10 Actor Ee Bollywood Ee Ku Guulaystay Tartanka Gabadha Ugu Quruxda Badan Dunida

Wadanka hindiya ayaa isagu haysta tirada ugu badan ee dumarka ku guulaystay quruxda aduunka halka wadanka Venezuela uu isna sanadkan wacdaro dhigay iyagoo bilado badan ku guulaystay. Dumarka ku guulaystay bilada dahabka ah ee Quruxda Dunida ayaa waxa ka mida Aishwarya Rai, Sushmita Sen, Priyanka Chopra, Lara Dutta iyo kuwa kale.

hadaba waxa aan qormadeenan ku soo bandhigaynaa 10ka dumar ee reer bollywood isla markaana ku guulaystay quruxda Aduunka.

10. Nicole Faria

Nicole-Faria

Nicole Faria waa gabadhii reer hindiya ee ugu horeysay kuna guulaysata tartanka Miss Earth pageant intii la bilaabay tartankan 2001. waxaanay ku guulaysatay taashkan bishii December 2010 imikana iyada ayaa haysata taashkan, Waa gabadh dharka ku xayeysiisa Bangalore. waxa kale oo ay ku guulaysatay 2010 gabadha hindiya ugu quruxda badan.

9. Dia Mirza

Dia-Mirza-Hot-2013

Dia waa gabadhii labaad ee u tartamaysay quruxda hindiya sanadkii 2000 iyada oo isla wakhtigaas loo ogolaaday inay u tartanto quruxda qaarada Asia, waanay ku guulaysatay tartankaas. Kadib markii ay ku guulaysatay gabadha ugu quruxda badan qaarada Asia 3 December 2000, waxa ay noqotay gabadhii ugu horeysay ee ku guulaysata tartankan 27 sano oo aanay hindiya ku guulaysan. isla sanadkaasna hindiya waxay ku guulaysatay 3 da tartan ee quruxda ee ugu waawayn; Lara Dutta oo ku guulaysatay Miss Universe halka Priyanka Chopra ay ku guulaysatay Miss World isla sanadkaa.

8. Priyanka Chopra

Priyanka-Chopra-Sizzling-Figure

Boqoradan bollywood ayaa ah qofkii ugu danbeeyey ee reer hindiya ah ee ku guulaysta tartanka Miss World. Sanadkii 2000 ayaa gabadhani waxay gashay tartanka isreebreebka quruxda ee wadanka hindiya, halkaas oo ay ku guulaysatay kaalinta 2aad isla markaana ay kaga qayb gashay tartanka quruxda aduunka. Waxana isla sanadkaas ay ku guulaysatay Miss World 2000 iyo Miss World Continental Queen of Beauty—Asia & Oceania, sidaas ayaanay ku noqotay gabadhii 5aad ee hindiya ee ku guulaysata tartankan. Dadaalka gabadhan ayaa ka dhigay mid kamida dadka ugu mushaharka badan shirkada Bollywood uguna caansan wadankaas.

7. Lara Dutta

Lara-Dutta-Sizzling-Body

Lara Dutta ayaa waxay noqotay gabadha labaad ee kaliya ee ku guulaysatay tartanka Miss Universe pageant sanadkii 2000, iyada oo Sushmita Sen ay ka horeysay. Waxa ay soo saartay filimkeedii u horeeyey sanadkii 2003dii kaas oo ahaa filimka Andaaz oo ku guulaysatay abaal marinta Filmfare Best Female Debut Award.

6.Yukta Mookhey

Yukta-Mookhey

Yukta Mookhet ayaa waxa ay ku guulaysatay tartanka Miss World Bishii December 1999 iyada oo waliba wakhtigaas ahayd gabadh yar oo 22 jir ah. Yukta ayaa wakhtigaas ku biirtay shirkada jilista filimaanta ee Bollywood inkasta oo aanay soo saarin filimaan aad ubadan.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com