10 Arimood oo kaa caawinaayo inaad doorato Qof aad ku Una Qalma Nolashaada

 

Nolosha aduunka ee qadhaadhka iyo macaanka isku lifaaqan, waxa ay ku qurux badan tahay dabaalashadeedu adiga iyo wehel kuu qalma oo aad is heshaan.

 

Ha noqdo wehelkaasi mid meeshu doona ka soo jeeda, sida xaas ama say, saxiib, walaal ama waxa kale oo u dhigma. Si aad u dhadhansato dheef wax ku ool ah marka ay ku ahaato, waa inaad heshaa cidii ku dareensiin lahayd ee kula damaashaadi lahayd.

 

Haddaba waxa aad is waydiisaa qofka aad rabtaa tilmaamo nooce ah ayuu leeyahay oo aad dadka kaga soo canaysaa, ama kaga dhex xulanaysaa?

 

Si taasi kuugu fududaato waxa aad raacdaa oo ku xulataa qofkaaga tilmaamahan soo socda:- oo ah kuwa ugu munaasibsan ee qof lagu doorankaro

 

1:-ugu horayn naftaada barro adigu is weydii kuuma tahay? Oo baadhitaan ku samee waxa aad ku liidato iyo waxa ay ku wanaagsan tahay waxa ay ku sahlaysaa inay doorato, oo aad hesho qof aad is fahantaan oo kula dabeecada ah iyo dhaqan ah

 

2:-qof alle ka cabsi leh raadso oo alle ku xidhan is ay u liibaanto nololsha aduun iyo ta aakhiraba, haddii aad qof ilaahay dartii u saxiibtaan oo aad walaalowdaan waxa aad mudan tihiin inaad aakhirana kuwa hadhka eebe hoos galla sida rasuulkuba inoo sheegay (SCW)

 

3:-doorro qof aqoon leh si aad ugu dayato waxna uga barato waxa ay ka dhigan tahay inay heshay qayb weyn oo nolosha ka mid ah

 

4:- qof kal gacal leh inaad hesho qof kalgacal leh soo dhawayn wanaagsan oo waji furan leh farxadna dushiisa ka muuqato

5:-dabeecad  dabeecadu waa ta ugu muhiimsan ee labada qof isku xidha xidhiidhkoodu inuu sii jirana suurta galisa. Waxa ay ku dhaxalsiinaysaan inaad is fahantaan oo abidkiin wadaagtaan farxad wanaagsan

6:- han iyo himilo qofka aad dooranayso ee aad rabto inaad wadaagtaan nolosha dhib iyo dheefba. Haddii uu yahay qof leh han sare oo hiyigiisu uu fog yahay waa nasiib iyo ayaan alle kula kulansiiyay.

7:- isku aragti qofka aad doonayso inaad nolosha la wadaagto ka hor inta aanad la sameyn xidhiidh saxiibtimo ama wehelnimo waa inaad ogaataa fikirka uu aaminsan yahay iyo aragtida uu qabo. Waa inuu ahaadaa mid kula aragti ah, haddii ay aragtidiisu ka fogtahay xaqiiqada ama aydaan isla jaanqaadi Karin waxa adkaanaysa wadaagista noloshiina.

 

8:- qalbi wanaag qalbi wanaagu waa tilmaan ka mid ah tilmaamaha ugu haldoorsan ee lagu doorto qof kaste oo xidhiidh idin dhexmaraayo. Siiba waxa uu aad ugu muhiimsan yahay saxiibka aad rabto inaad nolol wadaagtaan.

9:- naf hurrid ku xulo qofka aad doonayso inuu noqdo saxiibkaaga nolosha tilmaantan. Waa inaad ogaataa kaalinta uu kuu buxin karo, hadii xaal aduun oo dhib iyo dhaawacba leh waa inuu ahaadaa qof ku garab istaaga

10:- hawl kar ama karti qof hawl kar ah oo waxqabad iyo da’daal leh,  waxa uu kaa caawin karaa inaad arrimo badan iska kaashtaan hawlo badan oo aad u baahan tahay kuu fududeeya. Sidee qofkaas lagu helikaraa? Suurto gal ma tahay inaad hesho qofkaas? Haddaba ku da’daal inaad ka run sheegto xidhiidhka saxiibtinimo waayo daacadi ma hungowdo. Abwaan hadraawi waa kii lahaa “qofba wuxu ku daganyahay, halka uu daacad kaga hadho”

 

Haddaba akhriste qofka aad dooranaysaa waa inuu noqdaa, qof qalbi ballaadhan oo qalbi nadiifa leh. Kana fog xaasidnimo iyo xiqdi uu ku qaado qofka qalbi wanaagsan ee aad doonaysaa, waa qof jecel horumarkaaga kuna faanaya badhaadhahaaga kana murugoonaya dhibkaaga iyo dhaawacyada kala duwan ee soo waajaha noloshaada

Faalo Ka Dhiibo

comments