10 Danbi Oo Ay Galeen Dad Dunida Caan Ka Ah Isla Mar-Ahaantaasna Aan Lagu Xukumin Xeerkoodii. Kuwo Geystay Dilal.

Inkasta oo Maxkamad u gaar ah dadka caanka ah aanay jirin, hadana actarada iyo shaqsiyaadka caanka ahi waxa ay aaminaan in hadii ay kiis galaan ay si fudud maxkamada kaga bixi karaan. Kiisku intuu doono ha leekaado laakiin dadka caanka ah, kuwa fuqarada ah iyo kuwa tujaarta ahba waxa lagu xukumaa hal maxkamad ah oo kaliya. hadaba qormadeenan waxa aan ku soo qaadan doonaa 10 kiis ee ay galeen dad caan ah iyo wixii lagu xukumay.

10. Chris Brown
Chris ayaa waxa lagu xukumay inuu boqolaal saacadood qabto shaqooyinka bulshada ee danta guud loo yaqaan, fanaankan ayaan lagu xukumin jeel taasina waxa ay keentay in dad badani u qaateen in fanaaniinta R&B aan loo dirin jeelasha. Waxa lagu soo xidhay fanankan kadib marki lagu helay inuu jidh dil u geystay fanaanada Rihana oo isku dhac ku yimid labadooda oo sxb ay ahaayeen.

9.Kobe Bryant

Ninkan ayaa waxa lagu qaaday kiis ah inuu geystay kufsi sanadkii 2001dii waxana kiiskan buunbuuniyey saxaafada wadankaas maraykanka waxaanay ugu danbayn ku guulaysteen in ninkan lagu qaado kiiskaas, Kobe ayaa waxa uu ahaa nin caan ku noqday kubada kolayga ee NBA waxaanu ahaa wakhtigaas taajir wayn waxaanay sababtay in ciyaaryahankani aan wax kiis ah lagu qaadin.

8.Mark Wahlberg
Aktarkan ayaa ah mid dumarku aad uga helaan, Aktarkan aya marki u ahaa 16 jir waxa uu xagxagtay 2ba nin isaga oo sababay in mid kamida labadaas nin uu beelo mid kamida indhihiisa kadib waxa lagu xukumay 2 sano oo xadhig ah inkasta o marki u 6 bilood ku jiray isaga o lo adegsaday si dayntiisaas anshax wanaag uu layimid.

7.Brandy

Brandy ayaa waxa ay shil baabuur ku dishay hooyo dhashay 2 caruur ah iyada oo maraysa jid kamida jidadka Los Angeles, ma caday in fanaanadani ay sikhraansanayd ama inay ku talagal u dishay, marki cidanku yimaden ayaa waxa iyaguna yimid labadii caruur ahayd ee ay dhashay gabadha dhimatay oo aan la garan waayey cid loo raaco, lama eegin in gabadhani dishay gabadh aan danbi gelin laakiin arinta layaabka noqotay ayaa waxa ay ahayd in aan la xidhin fanaanadan lana xukumin.

6.Justin Bieber

Fanaankan isaga oo da’ yar hadana dunida caan ka ah ayaa waxa aan la aamini karin in uu hore u soo maray kiisas danbi, Waxa dhacday sanadki hore e 2014 in fanaankani uu rabshay dabadeed uu guriga aad u qasay waxaanu la dagaalamay qaar kamida dadki guriga joogay, wiilkan ayaa waxa la cadeeyey in uu sikhraansanaa kana yimid club isaga oo da’yar, laakiin waxa la dareemi karaa awooda wiil yar oo lacagna haysta ,ninkan ayaan la xukumin kadib looyar khatara oo uu qabsaday.

Untitled-2

La Soco Qaybta Hadhay

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com