10-ka Filim Ee Lagu Xasuusto Jilaagii Qosliyaaga Wayn Ka Ahaa Hollywood Robin Williams Oo Dhintay Saacado Ka Hor

Jilaaga sida wayn ugu caanka baxay filimada Majaajilada iyo qosolka ah, isla markaana ka midka ahaa dadkii ugu koomigsanaa dunida, Robin Williams ayaa dhintay isaga oo da’diisu 63-jir tahay, hasa yeeshee waxa uu aduunka kaga tagay tobanaan filim oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay dadka daawadana qosolka ka dhameeya.

In kasta oo uu taariikh balaadhan ku lahaa dhinaca matalada filimada ee shirkada Hollywood, haddana waxa si gaar ah aynu uga soo qaadan karnaa, toban ka mid ah filimadiisu loogu jeclaa, uguna maadayska iyo qosolka badnaa kuwaas oo uu matalay intii u dhaxaysay sanadihii todobaatanaadkii ilaa sagaashamaadkii qarnigii hore.

Robin Williams ayaa filimkiisi ugu horeeyay ee uu matalay ahaa filim musal sal ah ama taxane ah, kaas oo uu lagu magacaabi jiray, (Happy Days), Filimkan ayaa daawashadiisu socotay muddo sadex sanadood ah, taas oo taariikhdiisu ku beegnayd 1979 ilaa 1982-kii.

 

 

 

 

Robin ayaa musal salkaas ku matalayay Mark waxaanu matalayay shakhsiyad ka timi duni kale gaar ahaan meeraha Orc, kaas oo doonayaa inuu wax ka barto hab dhaqanka aadamiga, waxaana doorkii uu ka qaatay musal salkaasi noqday mid si wayn u soo jiitay dunida iyo dadka jecel filimada taxanaha ah.

Filimkiisi Popeye ee sanadkii 1980-kii, ayaa mar kaliya dunida ku xidhay Robin Williams, waxaana filimkan oo uu ku matalayay bad mareen, ka mid noqday muuqaaladii dunida baray habka qosolka iyo koomiig nimada ah ee uu ninkaasi wax u matali jiray, waxaanu filimkaasi ka mid noqday kuwa qof kasta oo daawada qosol awgeed indhaha ilmada ka qubo.

Robin Williams waxa kale oo uu matalay filimkiisi Good Morning, Vietnam, kaas oo ku beegnaa sanadkii 1987-kii, waxaanu filimkaas ku matalayay, duuliye ka tirsan ciidamada cirka Maraykanka, waxa kale oo uu ku matalayay suxufi wararka dagaalka Vietnam hawada sare iyo diyaarada dusheeda ka soo dira, waxaanu filimkaas ku kasbaday in loo sharaxo abaal marinta Oscar-ka ee sanadkaas.

Filimadiisi qosolka badnaa waxa ka mid ahaa aadna loo wada xasuustaa, filimkiisi Dead Poets Society, kaas oo uu matalay sanadkii 1989-kii, filimkan ayuu wada matalayay macalin iyo boqor, waxaanu filimkaas oo marka magaciisa af Somali lagu macneeyo noqonaya, “Shacabkii Abwaanadii Dhintay”, ka mid ahaa filimadiisi daraamada ahaa ee aadka loo jeclaa.


Filimkii Mrs. Doubtfire ee 1993-dii uu matalay ayaa isna ka mid ahaa kuwa aadka loo xiiseeyo, waxa kale oo uu matalay, Jumanji, sanadkii 1995-kii, filimka Good Will Hunting ee sanadkii 1997-dii ayuu ku halay abaal marinta jilaagii ugu wanaagsanaa, waxa kale oo aad loogu xasuustaa filimadiisi ay ka mid ka ahaayeen, Patch Adams ee sanadkii 1998-dii iyo filimkiisi ugu danbeeyay ee The Crazy One.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply