10 ka Hooyo Ee Dilay Caruur Ay Dileen (Kiisaskii Ugu Caansanaa).

Marka laga hadlayo dilka hooyooyinku u gaystaan caruurtooda ayaa ah ficilo la isticmaali jiray wakhtiyadii hore inkasta oo ilaa hada dadka qaar isticmaalaan ficiladan foosha xun. Waxa jira dad aan iyagu haba yaraatee nasiib u yeelan inay helaan ubad ama caruur halka kuwa kale inta ilaahay (SWT) ubad siiyo hadan dila ama nolosha ku tuura.

Waxa aan qormadeenan ku soo qaadan doonaa 10 kii hooyo ee ku kacay ficiladan isla markaana kiisaskoodu noqdeen kuwii ugu caansanaa ee soo mara kownkan aynu ku nool nahay.

10. Lindsey Lowe of Hendersonville
Lindsey-Lowe-of-Hendersonville
Lindsey Lowe waa hooyo 25 sano jir ah, iyada oo hada ku jirta jeelka kadib markii ay dishay laba mataano ah oo ay dhashay isla markii ay dhasheen oo ahayd September 12. Gabadhan ayaa ku dhex umushay suuli ku yaalay guriga waalidkeed. Lowe ayaa waxa ay booliiska u sheegtay inaanay rabin in waalidkeed ogaado inay caruur dhashay, Gabadhan ayaa naqaska ku xidhay caruurtan yar ka dib markii ay gacmaheeda afka kaga xidhay ilaa ay ka dhimanayeen oo neefta istaajinayeen. Gabadhan ayaanay jirin cid aragtay inay uur leedahay iyada oo joojisay inay dibada uga baxdo qolkeeda waxaanay ku qarisay maydka caruurtan yaryar salada dharka ee qolkeeda dhextaalay. Odayga dhalay ayaa la hadlay booliiska isaga oo ogaaday in caruur mayd ahi dhex taalo gurigiisa, Qofkale oo kamida dadka jaarka ah ayaa isna xaqiijiyey in gabadhani ay umushay isaga oo ka dareemay jidhkeeda kadib markay dhashay.

9. April Weber of Brooksville
April-Weber-of-Brooksville
April Weber ayaa wacday 911 iyada oo sheegtay in ilme yar oo 6 week jira oo ay dhashay uu si shil ah uga dhacay. Laakiin cadaymo dhakhtarkii baadhay maydka uu sheegay ayaa ahaa in ilmahan uu ku yaalo nabaro badan oo madaxa ah isla markaana aan la odhan karin wuu dhacay laakiin taa badalkeeda la dilay. Aabaha dhalay ilmahan yar ee dhintay ayaa waxa uu isna cadeeyey in xaaskiisu ay xili walba ka caban jirtay in ilmahan yari culays ku hayo laakiin aanu filayn in gabadhiisu ay aad u fogtahay isla markaana dili doonto gabadhan yar ee ay dhashay.

8. Nicole Kelly of Elmhurst, Queens
Nicole-Kelly-of-Elmhurst-Queens
Gabadhan ayaa baraha bulshadu ku kulanto waxa looga yaqaanaa Nikki waxa aanay ku kacday inay dunida dhaafiso wiil yar oo 11 bilood jira isla markaana ay iyadu dhashay bishii July ee 2014. Hooyadan 22 jirka ah ayaa ilmaheedan ku duubtay waraaq si uu u dhinto. Isla iyada ayuunbaana danbigan ku qiratay baraha bulshada ee internetka , Booliiska ayaa isla markiiba gaadhay goobtii falkani ka dhacay waxaanay sheegtay inaanay intaas in ka badan aanay sii daryeeli karin. Kelly ayaa waxa ay ku noolayd qol yar oo kiro ah.

La Soco Qaybaha Kale

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com