10 Qof Ee Kayar 19 Jir Ee Ugu Saamaynta Badan Dunida ? Maxay Ku Noqdeen.? Qaybtii 2aad.

Qormadan ayaa ah mid daba socota qormadii hore ee an cinwaanka uga dhignay (10 Qof Ee Kayar 19 Jir Ee Ugu Saamaynta Badan Dunida ? Maxay Ku Noqdeen.?) 

5. Chloe Grace Moretz

Chloe-Grace-Moretz

 

Chloe Grace Moretz ayaa ah gabadha hogaamisa filimka Carrie, Filimkan khaakhda ah aya bilowdgii ku adkaa gabadhan 16 jirka ah. Gabadhan ayaa waxa ay ku bilowday matalida filimaanta markii ay ahayd 7jir waxaanay hore u matashay filimada ay kamid ka yihiin (The Amityville Horror, (500) Days of Summer , Diary of a Wimpy Kid, Kick-Ass, Let Me In, Hugo, Dark Shadows, Kick-Ass 2 iyo Carrie).

4. Maya Van Wagenenda

FOR MAYA VAN WAGENEN STORY  CAPTION: AT PENGUIN OFFICES (SEPT 14TH, 2013)   IMAGE TAKEN FROM HER FACEBOOK https://www.facebook.com/photo.php?fbid=1416960101852988&set=a.1416959718519693.1073741828.100006170344144&type=1&theater

Gabadhan oo 15 jir ah ayaa ah qoraayad caan ah oo waday qoraanimada ilaa ay caan ka noqonaysay, gabadhan ayaa waxa ay sheegtay in buuga la qoray 1950maadkii ee laga barto horumarka da’yarta ee Betty Cornell’s Glamour Guide in uu ka caawiyey gaadhitaanka himiladeedan rumowday. bishii u danbeaysay ee October ayaa shirkada filimada ee DreamWorks waxa ay heshiis la gashay gabadhan yar iyada oo noqonaysa qofkii ugu yaraa ee an jilaa ahayn isla markaana heshiis la gala shirkad filimada samaysa abid.

3. Lydia Ko

Lydia-Ko

Gabadhan u ciyaarta wadanka New Zealand kunaa dhalatay wadanka kuuriyada koonfureed ayaa ah 16 jir xariifad ku ah ciyaarista Golfta. Waxa ay ku jirtaa kaalinta 4aad ee kala horaynta ciyaaryahanada dhalinyarta ah ee Golfta. Waxa ay noqotay qofkii ugu yaraa ee ku guulaystay tartanka Professional Golf Tour iyo waliba qofka uga yar ee ku guulaysta LPGA Tour event. Bishii August ee sanadkii 2013 ayaa waxa ay noqotay qofka kaliya ee dhalinyar ah ee ku guulaysta 2 biladood oo dahab ah ciyaaraha LPGA Tour events.

2. Hailee Steinfeld

Hailee-Steinfeld

Hailee Steinfeld ayaa waxa ay ku soo caan baxday filimka True Grit, iyada oo gaadhay in loo sharaxo bilada Best Supporting actres iyo waliba bilada kale ee BAFTA ee Best Actress in a Leading Role. Iyadu hore uma aysan haysan khibrad jilista aflaamta markii loo sharaxayey biladahan sanadkii 2010 wakhtigaas oo ay 13 jir ahayd. Imika ayaa waxa ay ku jishaa ardayad ciidanka milatariga cirka ah filimka khiyaaliga ah ee Ender’s Game. “Wali anigu waxa aan isku haystaa inaan bilow ahay” iyada ayaa sidaas u sheegtay jariirada Guardian.

1. Nick D’Aloisio

Nick-DAloisio

Wiilkan u dhashay wadanka Australia isla markaana ah hal abuur shaqo iyo waliba
Computer Programmer ayaa ah labka kaliya ee kujira liiskan 10ka qof ee ugu saamaynta badan da’yarta ka yar 19 jirka. Wiilkan ayaa sameeyey barnaamijyada caanka ah ee Summly iyo barnaamij kale oo ay horu marisay shirkada SRI international. waxa isagu noqday qofka ugu yar ee ka hela dhaqaalaha ugu badan technologiyada isaga oo ahaa 15 jir. Summly ayaa waxa iibsaday shirkada Yahoo sanadkii 2013 kii bishii March isaga oo taasi ka dhigtay qofka ugu yar ee isagu shaqaystay ama tabcay malaayiin dollar abid. Waxa uu ku guulaystay “Innovator of the year” oo ay bixiso Wall Street Journal isaga oo ku mutaystay barnaamijka Summly iyo Yahoo.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com