10 Qof Ee Kayar 19 Jir Ee Ugu Saamaynta Badan Dunida ? Maxay Ku Noqdeen.?

Qormadeenan waxa aan ku soo qaadan doonaa liiska dhalinyarada loo aqoonsaday inay ahaayeen kuwii ugu saamaynta badnaa sanadkan aynu ku jirno ee dhamaadka ah, Liiskan ayaa waxa aan ka soo xiganay majalada Time Magazine iyaga oo qoray liiska 16 ka dhalinyaro ah ee ugu saamaynta badan sanadkan dunida.

10. Kylie Jenner

Kendall-Kylie-Jenner-Model-For-Sherri-Hill

Gabadhan ayaa ah xidigad caan ku ah barnaamijyada telefishanada, dharka xayaysiisa, ahna gabadh safiir u ah shirkada Seventeen, Kylie Kristen Jenner, iyada iyo walaasheed Kendall ayaa waxa lagu sheegay jariiradan inay ku jiraan liiskan. Gabadhan ayaa waxa ay caan ku tahay barnaamijka E! ee ay soo saaraha ka tahay.

9. Malia Obama

Malia-Obama

Gabadhan ayaa waxa dhalay madaxwaynaha wadanka maraykanka Barack Obama waxaanay ku sifowday waayeelnimo, inkasta oo da’deedu yar tahay hadana caqligeedu waa mid sareeya, Madaxwayne Obama ayaa khudbadihiisa kusoo dara in gabdhihiisa siiba gabadhan oo 15 jir ahi ay kamid yihiin saamaynta go’aanka uu ka taagan yahay in ragu uu guursan karo raga kale (Gay Marriage)

8. Missy Franklin

Missy-Franklin

Gabadhan 18 jirka ah ayaa waxa ay ku guulaysatay 6 biladood oo dahab ah ciyaarihii Olombikada ee 2012, waxaana kamid ahaa guushii ay ku guulaysatay abaal marinta dabaasha gabdhaha ee dunida, waxa kale oo ay noqotay qofka 5aad ee ku guulaystay 6 biladood oo dahab ah ciyaaraha dabaasha dunida ee Olombikada. Sanadkan ayaa waxa ay ku guulaysatay bilada ciyaaryahanada sanadka ee ay bixiyaan xidhiidhka ciyaaraha ee gabdhaha (Women’s Sport Foundation).

7. Kiernan Shipka

Kiernan-Shipka

Gabadhan Actarada ah ee da’deedu tahay 14 jirka ayaa waxa ay ka ciyaartaa doorka gabadh uu dhalay Betty Drapper filimka taxanaha ah ee AMC Mad Men, gabadhan ayaan loo ogolaan jirin in ay daawato filimkan ay hada matasho ee AMC Show ilaa wakhtigii ay jirtay 6 sano iyo badh nasiib wanaagse imika iyada ayaa jisha filimkaas. Shipka ayaa sidoo kale ka qayb gashay xaflado badan oo abaalmarino lagu gudoonsiinayay aktarada Hollywood.

6. Beth Reekles

Beth-Reeks

Gabadhan ku jirta dugsiga sare ayaa waxa ay qortay sheekada jacayl ee mala awaalka ah ee dhalaanka waayeelka ah isla markaana magac uga dhigtay Beth Reekles ayaa waxa loo magacaabay gabadh kamida liiska dhalinyarada ka yar 19 jirka ee ugu saamaynta badan dunida. Markii ay dhamaysay sheekada ayaa waxa ay ku baahisay sheekadan jacayl barta lagu wadaago sheekooyinka ee lagu magacaabo Wattpad. Sheekadan ayaa waxa daawaday ama daalacday dad dhan 19 million oo qof waxaanay tani sababtay in ururka Random House Children’s Publishers U.K uu indhaha la raaco. Gabadhan oo hada ah 17 sano ayaa waxa ay samaysay 3 book iyada oo la wadaagtay garabka aqalkani ku leeyahay wadanka maraykanka isaga oo ilaa hada uu socdo showyo lagu soo bandhigo sheekooyinkeedii.

La Soco Qaybta Hadhay

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com