10 sano Kadib Hadad Hesho Ubadkaagi Oo Ka Lumay Geerina Ku Xisabsan Sideed noqon lahayd sheeko kaa Ilmaysiinaysa Oo Ku Dhacday Qoys Duufanki Sunami Ku wayay Ubadkiisi

Warbixin xiisa badan oo ka hadlaysa farxad ka ilimeysiisay qoys u dhashay dalka Indonesia oo 10 sano kadib helay gabadh yar oo ay dhaleen.

Wargeyska ayaa shaaciyay in gabdhaan oo lagu Magacaabo Raudhatul Jannah la waayay sanadii 2004 xilligaas oo duufaantiiT sunami ay ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dalka Indonosia.

Jamiliah oo ah Hooyada dhashay Gabadhaan ayaa sheegtay in ayada iyo Seygeeduba ay ku waasheen raadinta Gabadhaan iyo wiil ka weynaa oo ay biyuhu qaadeen.

 

Jamiliah ayaa xustay in laba bil ay raadinayeen Carruurtooda oo 4 jir iyo 7 jir kala ahaa laakiin ay ka quusteen oo ay iska dhaadhiciiyeen inaysan noleyn oo ay Ifka ka huleeleen.

Inkastoo ay sabreen Waalidiintaani haddana Gabadhoodu ma geeriyoon oo nin Kaluumeysata ah ayaa badbaadiyay xilli ay ku dhaganeed Gabal Alwaax ah oo Mowjado biya ahi ay Tuur tuurayeen.

Ninka oo ahaa qof naxariis badan ayaa Inanta u geeyay Hooyadiis oo u bixisay Magac cusub oo ah Weni illaa iyo maantana gacanta ku heysay oo uga taxadareysay sida shakhsi ka tirsan carruurteeda kale.

Jamaliah Walaalkeed ayaa bishii June arkay Raudhatul Jannah oo iskool ka soo laabanaysa kuna sii jeeda Guriga ay ku noolyihiin Reerka Korsanaya, wuxuu u cararay walaashiis oo uu siiyay xog ku aadan gabadha yar ee uu abtiga u yahay.

Waalidiinta Gabadha oo kol hore quustay ayaa raacay tilmaanta abtiga, waxaana u suurta gashay inay Garaacaan Guriga ay ku jirtay Gabadhooda kaasi oo ay kusugnaayeen qoys wada bashaash ah oo ay kala kulmeen marxabeyn iyo farxad kala qaaday Afafkooda.

“Aniga iyo ninkeyguba waan faraxsanahay, waxaana abaal u haynaa Rabbiga Suurta galiyay inaan dib ula bahowno inanteena” ayay tiri Hooya Jamiliah oo aad u faraxsan.

“Wadnahayga ayaa garaac bilaabay markaan arkay gabadhayda, hab ayaan siiyay ayaduna Xabadka ayay igu duugtay, waxaana raaxo ka dhax dareemay gacmahayga ayay sii raacisay Hooyadaas oo ilin ay ka qubanayso.

Si kastoo ay ahaataba arintaan ayaa layaab ku noqotay dad badan oo Aaminsanaa in Gabadhaani ay ku biirtay dadkii reer Aakhiraadka ahaa ee ku naf waayay

Duufaantii Tsunami oo ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan dalka
Indonesian

Raudhatul Jannah (centre) is embraced by her mother Jamaliah (left) and grandmother (right) after being reunited in Meulaboh, Indonesia 10 years after they were separated

Emotional reunion: Jamaliah (left) with her daughter Raudhatul Jannah. The girl was spotted walking home from school by her uncle who recognised her despite not having seen her in 10 years
It is not known where the family were living when the tsunami hit in 2004, but Jannah says she and her brother were swept to the Banyak Islands and she was then taken to Blangpidie, where she was raised by a foster mother. The girl, now 14, was reunited with her family in Meulaboh on Wednesday
The girl's mother called reporters from Meulaboh in Indonesia (pictured), which was devastated by the tsunami in 2004

Soo Diyaarintii

Abdiqani Hassan Farah (Gadari)

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply