11 Xaqiiqo Oo Aadan Weligaa Maqlin Oo Riyada Ku Saabsan

Maxaad ka taqaana riyada? Riyadu waxay noqon karta mid xiiso badan, farxad leh, cabsi badan ama mid cajiib ah. Xagan ka akhriso waxay cilmi baadhayaashu daahfureen dhinaca riyoonka.

Insaan kasta wu riyooda: raga, dumarka iyo caruurtuba way riyoodan. Qof aan riyoon aduunka ma jiro. Cilmi baadhayaashu waxay sheegeen inu insaanku habeenkiiba ku riyoodo dhawr riyood, riyadiiba ay qaadato mudo 5 ila 20 daqiiqo ah.

2 Insaanku wu ilaaba riyada badankeed: qiyaas ahaan boqolkiiba shan iyo sagaashan (95%) ayaad riyadaada ka ilaabaysa markaad sida u toostid. Waxay cilmi baadhayaashu sababta ku sheegen isbedelka ku dhaca dhinaca maskaxda intu qofku riyoonayo aanay u saamaxin maskaxda inay kaydiso wax xasuus ah. Dadbadan ayaa aaminsan inaanay habeenki riyoon laakin xaqiiqdu waxay tahay inu qofku ilaabo riyada habeenki.

3 Riyoonka qaar ayaan midab lahayn: boqolkiiba labaatan(20%) riyoonka ayaad ku riyoonaysa waxaad ku riyoonaysa midabada madow iyo cadaan oo kaliya.

4 Raga iyo dumarka si uma wada riyoodan: cilmi baadhis ayaa heshay faraqyo u dhaxeeya riyada raga iyo dumarka.

Riyada raga ayaa ka rabshad (violence) badan marka la barbar dhigo ta dumarka.
Riyada dumarka ayaa ka mudo dheer ta raga.
Dumarka riyadooda waxay si dheeli tirin ugu riyoodan rag iyo dumar laakin raga riyadooda raga kaga badan dumarka.
5 Dadkad riyada ku dhex aragtid waa dad aad hore u aragtay.

6 Isma dhaqaajin kartid intaa aad riyoonayso: waxa jira wax la dhaho “REM atonia” oo ku diidaysa inaad is dhaqaajisid si aanad riyadaada ugu socon ama wax is yeelin.

7 Riyadaada waad xakamayn karta: waxa jira shay la idhahdo “lucid dreaming” oo ah riyada aad is ogtahay inaad riyoonaysid ka dibna aad waxa doontid ku samayn kartid riyadaada dhexdeeda.

8 Dareeno negative ah ayey riyoonku u badan yihiin: markaad riyoonaysid dareenada negative-ka ah ayaa kaga badan kuwa positive-ka ah.

9 Xita dadka indha la’ way riyoodan: riyada dadka indha la’ maaha qaar muqaal leh, waa qar maqal iyo dareenmayaasha kale ee insaanku wato leh.

10 Xawayaankuna siday u badan tahay way riyoodan.

11 Riyoon badan ayaa jira insaanku ku wada riyoodo: cilmi baadhayaashu ayaa sheegen inay jirtu riyoon ay bani aadam kasta ku riyoodo. Waxa ka mid ah inaad meel sareeya kaso dhacaysid, in lagu eryanayo, in aad joogtid meel dad badani joogan adoo dhar wadan, ado meel ka habsaamay, ado imtixaan ku dhacay iyo qaar kalo badan.

Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply