150-Dhakhtar Oo 36-Saacadood Qaliin Qaatay Ka Dib Ku Guulaystay Inay Dib Ugu Soo Celiyaan Quruxda Wajiga Nin Is Toogtay

p

150-Digtoor oo Maraykan ah ayaa isugu tagay sidii ay dib mar kale quruxdii wajigiisa ugu soo celin lahaayeen wiil dhalinyaro oo isagu iska toogtay wajiga, kaas oo sida muuqata doonayay inuu is khaarajiyo ama naftiisa haligo, laakiin aanay tiisi noqon, balse dhaawacii ku dhacay uu sababay in wajigiisu si aad u fool xun isku badalo Ninkan oo lagu magacaabo Richard Norris (39-jirna ah) Wakhtigan, waxa uu is toogtay sanadkii 1997-kii, xiligaas oo isagoo daroogo ku miyir doorsoomay ay is khilaafeen ehelkiisa, ka dibna uu damcay inuu is dilo, laakiin dhaawac aad xun uun uu isku gaystay, waxaana burburay qaybo badan oo ka mid ah wajigiisa, ilaa uu is badal wayni ku dhacay wajiguna aad u fool xumaaday.

 Dhakhaatiirta ayaa u sameeyay dedaal aad u balaadhan kaas oo lagu tilmaamay kii ugu waynaa dhinaca caafimaadka, gaar ahaan qaybaha beerista jidhka cusub ee qofka lagu sameeyo, waxaanay dhakhaatiirta qaliinada noocan ah sameeya ee dunida u furtay taariikh cusub oo u suura galin doonta inay dad badan oo sida ninkan oo kale u dhaawacmay ay wax u qaban karaan.

Sida wargeyska (The Independet) ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ku warantay, waxa qaliinkan culus ee dib loogu beeray wajiga Richard Norris uu dhakhaatiirta u suura galin doonaa, inay askar tiro badan oo ku waxyeeloobay dagaalada ay dib ugu soo celin karaan, rejadii nololeed ee dhaawacyada iyo gubashada ka soo gaadhay colaadihii ay ka qayb galeen ka lumiyeen.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply