Aktarada Iyo Fanaaniinta Reer Spain Oo Duulaanka Israel Ee Gacanka Qaza Ku Tilmaamay Xasuuq

OHN0iHj-360 In ka badan boqol xubnood, oo isugu jira Jilayaasha Filimada iyo fanaaniinta loogu jecel yahay dalka Spain, ayaa si kulul u canbaareeyay duulaanka muddada sadexda todobaad gaadhaysa Israel ku hayso gacanka Qaza ee Falastiin, waxaanay duulaanka Yuhuuda ku tilmaameen xasuuq lagu isir tirayo dadka reer Falastiin. AHMwnDl-360 Bayaan ay wada jir u soo saareen, boqol xubnood oo soo saarayaal iyo qorayaasha filimadu ku jiraan, ayna hormood ka yihiin, labada jilaa ee reer Hollywood, Penelope Cruz iyo Javier Bardem, waxa lagu sheegay in Israel xasuuq kula kacday Falastiiniyiinta (Israel’s genocide of the Palestinians).

Aktarada iyo dadkaas ku abtirsada fanka Spain ayaa dawlada dalkooda iyo ururka midowga Yurub ka codsaday in baadhitaan laga sameeyo gabood falyada duqaynta Israel, waxa kale oo ay codsadeen in si deg deg ah loo joojiyo duqaynta iyo duulaanka Gacanka Qaza.

Fanaaniinta reer Spain ayaa sidoo kale codsaday in deg deg loo furo xuduudaha gacanka Qaza si ay dadka ku dhaqan degaankaasi ay u helaan, xoriyad dhinaca nolosha iyo isu socodka ah.

Ugu danbayntii waxa ay xubnaha ugu magaca dheer dhinaca fanka iyo matalaada ee reer Spain codsadeen in, Israel dib ugu noqoto xuduudii 1967-kii, si loo joojiyo dulmiga iyo meel ka dhacyada ay ku kacayso iyo degaamaynta dadka Yuhuuda ah.

Dhawaaqa iyo bayaanka fanaaniinta reer Spain ayaa noqonaya codkii ugu dheeraa ee wax garadka qaarada Yurub ku naqdiyaan, gabood falyada Israel ka wado gacanka Qaza oo galaafatay nolosha in ka badan kun iyo afar boqol oo qof, halka ilaa lix kun oo kalana dhaawac ka soo gaadhay, xaaladuna meel adag ka marayso guud ahaan gacanka Qasa.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply