Ganacsade u dhashay Dalka Masar ayaa waxa uu qudha ka jaray wiil uu dhalay kadib markii uu wiilkaasi aabihii u sheegay in uu guursanayo kana codsaday in uu caawiyo .

 

Ciidamada Amaanka Dalka Masar ayaa waxa ay sheegeen in wiilkaasi ay da’diisu ahayd 23 jir isla markaana uu xaaska aabihi qabay ku qabtay baastoolad una sheegay in ay la hadasho aabihii oo ay u sheegto in uu wiilkiisu guursanayo ugana baahanyahay in uu gacansiiyo oo uu guurkaasi ka caawiyo .

 

Intaasi kadib ayaa haweenaydii uu qabay wiilkaasi aabihii waxa ay la hadashay saygeedii waxa aanay u sheegtay in wiilkiisii uu dhalay uu u hanjabayo isla markaana uu baastoolad ku qabtay ,aabihii wiilkaasi dhalay ayaa waxa uu si degdeg ah ugu noqday aqalkii waxa aanu isla markiiba madaxa ka toogtay wiilkii uu dhalay oo isla goobtii ku naf waayay .

Ciidamada amaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay aabaha wiilkaasi dhalay oo da’diisu ahayd 53 jir ay gacanta ku soo dhigeen isla markaana uu qirtay in uu dilkaasi ku isagu gaystay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA