Dilkii uu kula kacay taliyaha Ciidanka Milatariga Dalka Liibiya ragg ka tirsanaa xarakada Daacish ayaa waxa uu isku badalay ciyaar ay caruurta yaryar ee Dalkaasi ku ciyaaraan.

Caruur jilaysa oo ku ciyaaraysa qaabka qudha looga jaro xubanaha ka tirsan Xarakada Daacish

Dadka ku dhaqan dalkaasi ayaa waxa ay baraha bulshada ku baahiyeen Sawiro iyo muqaalo muujinaya qaabka ay caruurtaa yaryari ugu dayanayaan sidoo raggaasi oo khaarajiyay .

Sawirka ugu badan ee dadkaasi ay baraha bulshada ku baahiyeen ayaa waxa uu ahaa mid ay ku jiraan lix caruur ah oo dhamaantood ay da’doodu ka yartahay 9 jir kuwaasi oo mid ka mid ahi uu la baxay magaca taliyaha Dalkaasi.

Arrinta noocani oo kale ah ayaa waxa ay ubadka yaryar ee dalkaasi Liibiya ku yeelanaysaa saamayn aad u balaadhan kuwaasi oo laga cabsi qabo in marka ay waawaynaadaan ay arrinaha noocaasi oo kale ah ku kacaan .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraae.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA