Dhacdo aad u la yaab badan ahaa waxa ay ka dhacday Magaalada Al-axsa ee Dalka Sucuudiga .

Aabo ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxa uu si badheedh ah u dilay gabadh yar oo uu dhalay ,gabadhaasi yar ayaa waxa ay dhigan jirtay fasalka Saddexaad.

Maydka gabadh yar ee aabaheed dilay

Hooyada dhashay gabadhaasi yar ee aabaheed dilay ayaa waxa ay ka warantay qaabka uu saygeedu u qudha uga jaray gabadhoodii yarayd waxa aanay tidhi”sayigaygu waxa uu bilaabay in uu gabadhaaai yar dhirbaaxo iyo laad la dhaco ,intaasi kadib dhulka ayay ku dhacday intaasi kumuu dayne markii ay dhulka ku dhacdayna uu la daba tagay waxa aanu kaga istaagay beerka iyo laabta iyo caloosha sababta uu ku dilayna waa diidmo ay diiday gabadhaydii yarayd in ay guriga nadiifiso”.

Gabdhaasi yar ayaa waxa ay da’deedu ahayd 8 jir waxaana la sheegay in waalidkeed uu hadd iyo jeer jidh dili jiray si aad u xuna uu u garaaci jiray ugu dambayna ay gacantiisa ku baxday .

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA