Mid Ka Mid Ah Tababarayaasha Masaska Ee Dalka Hindiya Oo Mas Wayn Oo Uu Korsaday Halis Galiyay Kadib Markii Uu Qoorta Iskaga Duubay !

Dalka Hindiya iyo guud ahaan Dalalka Koonfurta Qaarada Asia ayaa waxa ku badan dadka aadka u tababara Masaska noocyadiisa kala duwan waxa aanay mararka qaar soo bandhigaan bandhigyo ay ku qabtaan wadooyinka waawayn kuwaasi oo ay dawashadooda ka soo qayn galaan dad aad u badani .

 

Tabarayaasha Masaska ee soo bandhiga bandhigyadaasi ayaa waxa ay mararka qaar la kulmaan halis taasi oo galaafta naftooda isla markaana waxa weerar lama filaan ah ku qaada Masaska ay muddada soo tababarayeen isla markaana ay xanaanayeen .

 

Waxa maalmihii la soo dhaafay Dalkaasi Hindiya ka dhacday arrin aad u naxdin badan kadib markii mid ka mid ah Tababarayaasha Masaska ee Dalkaasi ku nool uu goob wado ah ku soo bandhigay Masas uu tababaray kuwaasi oo uu dadka daawadsiinayay sida ay ula ciyaraayaan balse mid ka mid ah Masaskaasi uu tababaray ayaa waxa uu ku qaaday weerar lama filaan ah .

 

Tabnabarahani ayaa waxa uu masku kaga iskaga duubay qoortay waxa aanu ahaa maskaasi mid aad u wayn balse nasiib wanaag waxa tababrahaasi soo gaadhay dhaawac fudud isla markaana waxa uu ka badbaaday weerarkaasi halista ahaa ee uu Maskaasi ku soo qaaday .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.Office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com