5-Arrimood Oo Qofka Jacaylku Hayaa Neceb Yahay

Jacaylku waa shay aadamigu ka wada siman yahay, waxaanu ka mid yahay, waxyaabaha umad kasta oo dunida ku dhaqani ka leedahay sheekooyin iyo dad ay tusaale ugu soo qaataan.

]Heerka tixgelinta aadamigu u hayo jacaylka iyo sheekooyinkiisa ku saabsani, waa ta sababtay in sida halyey halgan ku dhintay oo kale, loogu tix geliyo, dadkii caashaqa awgii aakhiro ugu hoyday.

Haddaba marka qofka jacaylku haleelo, waxa ku dhaca is badal nololeed oo dhinacyo kala duwan ka saameeya noloshiisa, oogadiisana qof walba ka akhrisan karo, sida dadka uu asiibay, waxaana jira ilaa shan arrimood oo uu la coloobo soo hadal qaadkoodana neceb yahay, kuwaas oo kala ah:-

  1. In Marka qofka uu caashaqu haleelo, gabi ahaanba uu ka diiqado aadna u necbaysto, talooyinka qaarkood iyo in qofka naftiisu jamato, wax dhaliil ah looga sheego, xitaa haddii ay run tahay, ma qaadan karo, waxaanu qof kasta oo siiya, talo ku aadan qofka uu jecel yahay, bal inuu dib ugu noqdo ama dhinac kale ka eego, u qaadaa cadawad, taas oo gaadha in xitaa aragtidiisa uu necbaysto.
  2. In qofku jeclaysto gooni joognimada, aadna uga cadhoodo qof kasta oo isku daya inuu maaweeliyo ama dadka dhexdooda ku soo celiyo, waxaanu ka diiqadooda Erayada ay ka midka yihiin, dadka soo dhex gal iyo maxaad isku qarinaysaa, sida rayi ururin laga sameeyay meelo badan oo dunida ah, ay muujisayna waxa kali joognimada ugu wacan, in qofku jeclaysto khiyaalka waxyaabo ku saabsan qofka uu jecel yahayna marka uu kaliyaysto naftiisu u sawirto.
  3. Arinta sadexaad ayaa ah inuu aad u hiifo hawlaha loo diro xiliyada uu rajaynayo in qofka uu jecel yahay ay is arki karaan, waxaanu qofku samaystaa jadwal isagu uu dejiyay, oo xiliyadu u kala tilmaaman yihiin, taas oo ay dhici karto in hawl muhiim ahi ku soo beeganto wakhti uu isku qanciyay, in maqal iyo arag mid uun uu kula kulmi karo qofka uu jecel yahay.
  4. Qofka Jacaylku hayaa waxa uu aad u neceb yahay, ciladaha farsamo, gaar ahaan kuwa ku dhaca, internet-ka, khadka telefoonada, boosaha iyo meel kasta oo uu xidhiidhka jacaylkiisa u adeegsado, waxaana dhacda inuu aad uga xanaaqo erayada cilad farsamo iyo waxaas ayaa xumaaday.
  5. Ugu danbayntii waxyaabaha ay necbaystaan dadka jacaylku hayaa, waxa ay noqdaan, kuwo saamayn ku yeesha, noloshiisa aasaasiga ah, sida cuntada iyo cabitaanka, oo soo noq noqoshadooda awgeed uu u dareemo cadaadis kale oo kalifaad ku ah, waxaana suura gal ah, in marka lala soo qaado ama la waydiiyo wax ma cuntay uu jawaabo aan loo baahnayn ka bixiyo.

Dabeecadaha jacaylku ku soo kordhiyo qofka uu haleelo, sida dadka daraaseeya sheegeen, waxa kale oo ka mid ah, cabasho badan, kuwaas oo qayb ka ah, waxyaabaha naftiisu isku qanciso, waxaanu u dhaqmaa sida qof garma qaate ah, Wuxuu diidaa talada, Wuxuu la yaaba fikirka, wuxuu ka cadhooda waanada, deg degna wuxuu ugu dhaqaaqa halista looga digo.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply