5 Qodob Oo Aadku Ogaan karto Saaxiibkaaga Dhabta ah Iyo Ka Danta Kugula Saaxiibay ee Danaystaha Ah

Waxa xaqiiq ah oon marnaba la iska indha tiri Karin in saaxiibadaadu u qaybsamaan saaxiib ay ka dhabtahay saaxiibtinimadu oo daacada iyo mid dan u gqqra kuuula socda oo danayste ah gaar ahaan aduunka  aynu maanta joogno ee khiyaamada magacyo kala duwan loola baxay soda (kaarto, indha u dilaacin, Dhaafin ,iwm). Saaxiibada been beenta ahi (fake) waxa ay la cadad iyo tiro yihiin sida kuwa runta ah hadaanay kaba tiro badanba, waa sida ay adagtahay in loo kala saaro dahabka iyo maarta ama biraha dahabka loo eekaysiiyay balse waxa uu dahabku leeahay calaamado maarta lagaga sooco ee saaxiibada beenta ah maxaa lagaga soocaa kuwa runta ah? Suaashaa jawaabteeda waxa akhristayaasha faaido ee sharafta iyo maamuuskaba mudan usoo gudbinaysa faaido.com iyadoo lagu soo uruuriyay kaliyaata 5 qodob ee ka faaidaysi wacan:

1: Dabeecada danaysi :  saaxiibada beenbeenta ahi waxa ay u janjeedhaan inay noqdaan qaar meel dhaw ka fikira, waxa kaliya ay ka fikiraan waa danahooga gaarka ah iyagoo markaste ka moogaan danaha iyo baahiyaha dadka kale. waxay kula soo xidhiidhaan kaliya markay dani kaasoo gasho ama hawl kaaga baahdaan, mana ka cudur daartaan arinkaas abidkood, hadii aanay saaxiibadaa kuu arkan inaad u qalanto inay kula soo xidhiidhaan marka aanay baahiyi jirin, kuwaasi goo saaxiibo kuuma noqonayaane
2: Waxaad isku daydaa inaad noqotid cida aad ahayn: Hadii aad dareento in ay lagama maarmaan tahay inaad noqotid qof kale ood shakhsiyadaada iyo hab u dhaqankaaga badashid markaad la joogtid asaxaabtaa, waxa suurto gal ah inay asaxaabtai yihiin qaar been beenah, waynu wada garanaynaa dareenkan, marka aad dad is raacdaan kadib aad dareentid inaad qaab kaduwan qaabkaagii hore u hadashid amaba u labisatid, si aad ula mid noqotid kadib waxa laga yaabaa in aanay kuwani ahayn asaxaabtii dhabta ahaa
3:   Isku dir iyo qiiro been been ah:  Sida ay somaliduba hore ugu maahmaahday “Kuu sheekeeye kaa sheekeeye lalama sheekaysto” ayaa waxa caado u ah saaxiibada beenbeenta ahi inay adiga kaaga sheekeeyaan dadka kale iyo ceebahooga, hadana markay dadka kale u tagaan falanqeeya adiga iyo waxyaabaha kuu gaarka ah, saaxiibka noocan ah waxa la idhaahdaa namiimiye waxaanuu isku dayaa inuu dadka oo dhan ku nacsiiyo adigana dadka kugu diro kadibna aad dareentid necbaanshiyo aad u haysid dadkaas uu kugu diray, noocan saaxiibada kamida ee xun waxa calaamad iyo astaan u ah inaad markaad la joogtid isku aragtid adiga oo kolba dad la xamanaya.                                                                                                          Saaxiibka dhabta ahi waxa uu si joogto ah aad ka heshaa dhinacaaga isaga oo ku madadaaliya waqti fiicanna aad la qaadatid intaad agjoogtid, isla markaana waxaydun ka wada hadashaan mawduucyo kala duwan mana jecla in markuu dadka la joogo wax xun lagaa sheego isla markaana wuu ku difaaca.
4: Ma farxo markaad guul wayn gaadho: Marka uu saaxiibkaa u badheedho inuu idhaahdo hadal aan fiicnayn markaste oo aad guul gaadho amaba aad u sheegtid war farxad kuu leh, kaasi saaxiib run ah maaha, saaxiibada runta ahi waxa ay markaste kula garab istaagaan taageero aan xad lahayn, waxay kugu dhiiri galiyaan hadallada dhiiri galinta kuwa ugu quruxda iyo qaayaha badan, waxa u muuqata oo ay ogyihiin waxaad qaban karto iyo mawhibadaada (Talent) ilaahay ku siiyay, xataa hadii aad adigu arkaynin, u fiirso saaxiibadaa markaad guul gaadhid sida ay u dhaqmaan, %85 xidhiidhka saaxiibtinimada waxa lagu gartaa dhaqammada sidaa awgeed way fududahay inaad ogaatid saaxiibka been kugula socda iyo kay saaxiibtinimadu ka dhab tahay.
5:Beenaha iyo Tartanka: Saaxiibada beenbeenta ahi waxa u caado ah inay ka khajilaan xaqiiqda, waayo waxay necebyihiin wax kaste oo xidhiidh la leh runta, beenta waxa ay ku dareemaan raali ahaanshiyo, saaxiibada noocan ah waxay badiyaaba ku fikiraan sidii ay kuula tartami lahaayeen

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply