60 Jirka Ka Qalin Jabiyey Waxbarashada Gudiga Sare

Axmadey Saney oo ah 60-jir ah ayaa ka mid noqday Ardayda sanadkan u fadhid Imtixaanaadka Shahaadiga ah  ee Dugsiga Sare, kaasoo ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya.

Ninkan ayaa ka mid ah Arday todobaadkan u fadhiisatay Imtixaanka Dugsiga Sare ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Axmadey Saney ayaa hambalyo ka helay dadka Soomaaliyeed oo u rajjeeyay inuu guul ka soo hooyo Imtixaanka, waxaana sawiradiisa la soo geliyay baraha bulshada oo dadka siyaabo kala duwan ugu hadlayeen.

Dadka qaar ayaa muujinayay in aanay waxbarashada ku xidhneyn da’, isla markaana aysan ceeb aheyn in qof da’ ah uu waxbarto.

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad qaadeysa Imtixaanaadka Dugsiga Sare, waxaana sanadkan gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya u arday aad u badan 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments