65 JIR U DHASHAY DALKA LUBNAAN OO KARAATOONTA BEEDKA KA SAMEEYA QALAB LAGU QURXIYO GURYAHA!

Kamaal Ximaydaan waa 65 jir u dhashay Dalka Lubnaan ,waxa uu urursadaa Karaatoonta Beedka Kadib marka la tuuro.

Kamaal ayaa waxa uu ka shaqayn jiray Wakaaladaha wararka ee ugu Waawayn Dalkaasi Lubnaan balse waa uu oa fadhiistay shaqada .

Kamaal ayaa waxa uu muddo 15 sano ah ku shaqaystaa Karaatoonada  Beedka waxa aanu ka sameeya Alaab Qurux badan oo ah kuwa  guryaha lagu sharaxo.

kamaal waxa uu daganyahay qol yar oo laba mitir ah kadib marka uu karaatoondaasi soo urursado waxa uu ku dhex shaqaystaa qolkiisaa yar.

Qalabka uu ka sameeyo Kamaal Karaatoonadaasi Beedka ah ayaa ah kuwa suuq wanaagsan leh oo aad loo iibsado, Kamaal ma laha goob ganacsi oo uu ku iibiyo Qalabkaasi uu sameeyo balse waxa uu u geeyaa tukaamo kuwaasi oo qiime jaban kaga iibsada  isla markaana ku sii ibiya qiima aad u qaali ah oo aad uga badan ka ay ka siistaan,waxa aanu haatan doonaya  in uu wax soo saarkiisa ku baahiyo baraha Bulshada si toos ahna uu isagu u iibiyo .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com