80-jiro Jacaylkoodi U Rumoobay 63-Sanadood Ka Dib

Nin oday ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa dhawr iyo lixdan sanadood ka dib ku guulaystay inuu hantiyo jacaylkiisi ayna u rumowdo riyadiisi muddada dheer uu ku naaloonayay.

Sida jariirada Daily Mail ee ka soo baxda Britain ay ku warantay Bill Abram ayaa wakhti aad da’diisu u yar tahay waxa uu jeclaaday haweenay aad u cajabisay, ka dibna waxa uu qorsheeyay sidii uu u guursan lahaa ee ay u noqon lahayd lamaanaha nolosha la wadaagta, nasiib daro se kumuu guulaysan oo umay rumoobin riyadaasi, waxaana jacaylkii iyo doonistii meesha ka saaray waalidka dhalay haweenaydii uu jeclaaday Peggy Fryer oo ku gacmo saydhay in gabadha uu dhalay uu ku daro ama u guuriyo ninkan. Aabaha dhalay haweenayda Mr. Bill jeclaaday ayaa ku andacooday xiligaas in gabadhiisu tahay 16-jir oo aanay gaadhin xili loo guuriyo. Fashilkaasi wuxuu kala kaxeeyaya lamaanahan.

Xiliga sheekadani dhacday ayaa ahayd sanadkii 1949-kii labadan ruux ee is jeclaadayna waxay ahaayeen kuwo aad da’doodu u yar tahay. Mid walba wixii intaa ka danbeeyay muu ilaawin jacaylkiisa kamana quusan in mar uun ay gogol iyo guri ku kulmi doonaan.

Sida jariiradu sheegtay mid walba wuxuu guursaday ama yeeshay xaas kale. Inkastoo aragtidoodu yarayd oo waayuhu kala fogeeyay, haddana iska war hayntoodu may ahayn mid gabi ahaanba wada go’day. Sida aad sawirka ka aragtaan waxa ay dib mar kale ugu kulmeen, goobtii lagu kala dhaqaajiyay ee xaafada dalka Britain halkaas oo ay ku go’aansadeen in wakhtiga nolosha uga hadhay ay dhaawaca ka bogsiiyaan jacaylkii isagoo barbaar yar ah la beegsaday, ayna noqdaan lamaane wada jir ugu hoyda guri gudha.

Haddaba waxa is waydiin leh sidee ayay u dhacday sheekadii dib isugu soo noqoshada lamaanahani. Sida jariiradu sheegtay mid walba waxa uu noqday xaasley oo caruur ayuu dhalay, ka dibna caruurtoodi caruuro ayay sii dhaleen, laakiin midna muu tix galin inuu u joojiyo jacaylkiisa oo uu go’doon u noqdo.

Waxaana markii mid walba calafkiisi qaaday ayaa waxa soo waajahay duruufo kala duwan oo mid walba lamaanihiisi ka qaaday, odayga ayaa isagu xaaskiisi hore furay tobanaan sanadood ka hor oo ahaa mid kali joog ah, wixii ka danbeeyay markii ay kala tageen xaaskiisi oo laba caruur ah u dhashay.

Isagoo guur danbaba ka saahiday, ayuu subax hore iibsaday wargeys ka soo baxa magaaladda London, waxaanu ku arkay tacsida odaygii jacaylkiisi yaraantii oo haweenay uu si fiican u garanayaana ku garab sawiran tahay.

Laga bilaabo wakhtigaas waxa dib u shaqaysay maskaxdiisi gaar ahaana waxa sida dhiiga u soo butaacay, xusuustii waayo waayo. Sida uu sheegay markiiba wuxuu bilaabay inuu telefoon u diro, oo ka tacsiyadeeyo.

Muddo ka dibna waxa bilaabmay xidhiidh sheeko oo la wada yeeshay, ka dibna guur baaba xigay. Imika labadaa ruux iyagoo aad u faraxsan ayay dhayayaan nabaradii jacaylkoodi yaraanta.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply