Waa laga yaabaa inaad tahay qof shaqo jecel, dadkuna ugu yeedhaan hawl kar aan caadi ahayn, kaasoo shaqeeya asbuucii 80 saacadood. Waa laga yaabaa inaad habayn walba xaaskaaga ama ninkaaga aad u sheegtay in shaqadu kugu daahday, maamulahaaga ku kadeeday iyo wixii lamid ah

Laakiin in asbuucoo dhan aan shaqada kaliya siinno waxay dhibaato iyo saamayn xun ku leedahay xiriirka labada lammaane. Haddaba Lynn Taylor oo ah khabiir xagga arimaha bulshada iyo shaqada ayaa Qodobadan Hoos ku qoran ku faah faahiyay arimaha dhibaateeya guurka ee shaqada la xiriira.

Haddii Shaqadada aad ka hormarisid hawsha reerkaaga.

Haddii aad is aragtid adigoo ka meeraysanaya hawlihii aad qoyskaaga u qaban jirtay, sida inaad dano usoo fulisid, gaari ku qaadid oo qof soo tustid, ama casho gaysid, waxay cadaadis xun ku keenaysaa xiriirka qoyskaaga.

Shaqada ayaad aad ugu dadaasha, ma heshid waqti aad lammaanahaaga lajoogtid

Haddii shaqadaadu qaadato dhammaan waqtigii iyo tamartii iyo xooggaagiiba, buugga ku qoro waxay saamaynaysaa xiriirka lammaanahaaga.

Hadii aad mar walba lammaanahaga talo ka waydiiso shaqadaada.

Hadii aad is aragtid adigoo mar walba talo iyo kaalmo kusaabsan xagga shaqada waydiisanaya lamaanahaaga, gaar ahaan shaqada xigta eed dooranayso waxay dhaawacaysaa xiriirkiina.

Haddii aadba waydid wax aan shaqada ahayn ood ka hadashid.

Haddii aad inaba waydid mawduuc kale oo aan shaqadaada ahayn oo aad lamaanahaga kala hadashid taasi waa astaan xun

 Haddii in badan la muranto lammaanahaaga

Haddii culayskii shaqada kaa haystay uu xaafadda kula soo galo, taasi waa astaan xun oo dhaawacaysa xiriirkiina.

Haddii Isku buuq lagaa dareemo

Haddii lammaahanaagu kaa dareemo isku buuqsanaan iyo inay shaqadii kaa tan badisa,waxay keenaysaa inaad nacdid in dad kula joogaan, sidaa daraaded xiriirkii qoyska ayay dhaawacaysaa.

Haddii aad isku daydo inad waqti ku dhumiso inad qof walba qanciso.

Ma waxaad tahay qof wax walba iska illaaway si uu shaqadiisa meel sare ka gaaro, ma waxaad tahay, qof hawlihiisii caadiga ahaa sida kuwii reerka, iyo xataa jimicsigii iyo nashaadkii u ilaaway shaqada, taasina waa calaamad xun.

Haddii aad Shaqada ku raaxaysatid Gurigana nacdid.

Hadii gurigaaga iyo lajooga lammaanahaaga lagugu diro, oo shaqada iyo xafiiskaagu kuu macaanaado, waa astaan u dhamaynaysa xiriirkaaga.

Haddii aad dareenkaaga ugu sheegtid lammanahaga qaab bahdilaad ah

Adigoo ilaawa xushmadda lammaanahaaga, hadallo xaqiraadana ku dhaha, marka aad rabtid inaad wax u sheegto, waxay dhaawacaysaa xiriirkiina

Xigasho: puntlandvision.com

KA DHIIBO FIKIRKAAGA