9 Faa’ido Oo Kugu Dhiira Galinaya Inaad Badsato Cunista Timirta

Geedka timirta waxa looyaqana eray cilmiyeedkiisa (Phoniex dactylifera) wuxuna katirsanyahay Family ga (Palmaceae) Geedkan barakaysan ee timirta oo ah geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku bixi karin badi dalagyada kale ee la quuto, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lamadagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.

Tijaabo iyo cilmi baadhis lagu sameeyay timirta waxaa lagu ogaaday in timirta laga helo faaiido, waxtar iyo dheef badan oo aan la koobi karin Sida ku sugnaatay xadiiska saxiixa ah oo nebiga laga soo weriyay (NNKH) ninkii cuna todoba xabo oo timir ah subaxdii ma dhibayo maalintaas sun iyo sixir midna.

Faa’idoyinka geedkaan timirta uu leeyahay ma aha mid la soo kobikaro balse waxaynu halkan ku soo gudbin doonaa qaar kamid ah faa’idoyinkaas waxaana kamid ah:

1-Timirtu Waxay hoos u dhigtaa Colistrolka dhiiga, waxayna ka badbaadisaa qofka in xididadiisu adkaadaan, iyadoo ay ku jirto maadada ALBAKTIIN la yidhaahdo

2.sidokale Ilkaha waxay ka ilaalisa suuska iyadoo ay ku jirto maadada FALOORKA la yiraahdo

  1. Waxay ka ilaalisaa maqaarka sunta iyadoo ay ku jirto madooyinka kala ah CALCIUM, FOOSFOR iyo VITAMIN A

  2. Timirtu Waxay daaweysaa dhiig yarida, (anemia) waxaana ku jira Vitamin B2

  3. Waxay daaweysaa timirtu lafa jilayca iyadoo ay ku jirto Calcium, Foosforiyo Vitamin A

  4. Waxa ay u furtaa dadka cuntada, xusuus yaridana way daaweysaa iyadoo ay ku jirto Bootaasiyom

  5. Tabar darida guud bay daaweysaa iyo wadna garaaca iyadoo ay ku jirto timirta Macnisium iyo Naxaas

  6. Waxay daawo u tahay romatisamka iyadoo ay ku jirto maadada Boroon la yidhaahdo.

  7. Waxay ka hortagtaa kansarka iyadoo uu ku jiro maadada silinyam, waxaana la sheegay in dadka dega meelaha timirtu ka baxdo, in aanay aqoon cudurka kansarka
    suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

One Response to 9 Faa’ido Oo Kugu Dhiira Galinaya Inaad Badsato Cunista Timirta

Leave a Reply