91-Jir Faransiis Ah Oo 23-Saacadood Ku Go’doonsanayd


Haweenay 91-jir lagu sheegay oo u dhalatay waddanka Faransiiska, ayaa muddo sadex iyo labaatan saacadood ah ku dhex go’doonsanayd, qolka qasnada ee bangi ku yaala magaalada Rennes ee galbeedka Faransiiska halkaas oo shaqaaluhu si aan ku talo gal ahayn ay ugu ilaaween, ka dibna dusha lagaga qufulay qol aad u madow.

Haweenaydan oo baanka u tagtay in ay wax kala baxdo sanduuqeeda isla markaana xisaabsato, ayaa shaqaaluhu ku daadajiyeen qolka Qasnada Baanka, halkaas oo ah meel aad u madow laakiin marka uu qofku ku dhex jiro wax arki karo oo laydhadh iyo ilays leh.

Muddo markii ay ku jirtay ayaa la gaadhay wakhtigii fasaxa kaas oo soconayay muddo afar iyo labaatan saacadood ka badan, waxaana hawl wadeenadii qufulayay ay deg deg ugu dhufteen xadhiga, ka dibna halkaas ayaa lagu ilaaway.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Faransiiska u qaabilsan ee (AFP), haweenaydan waxa saacadu markiii ay ahayd, 11:30-kii subaxnimo lagu ilaaway qolka Qasnada ee (BNP – Paribas), halkaas oo ay ku jirtay muddo sadex iyo labaatan saacadood ah.

Haweenaydan ayaa qofkii ugu horeeyay ee ogaaday ahaa wiil ay dhashay, kaas oo markii uu guriga ka waayay, ku war galiyay booliska waxaana baadi doon dheer ka dib la ogaaday in meeshii ugu danbaysay ee ay tagtay ahayd baanka.

May awoodayn haweenadani in ay sheegi karto xaaladeeda iyo halka ay ku sugan tahay, waayo? May sidan wax telefoon gacmeed ah, waxaana boolisku ay masuuliyiinta baanka ka codsadeen in la furo si looga eego in ay ku jirto iyo in kale.

Shaqaalaha baanka iyo masuuliyiintooda oo aan maalinta labaad ee xigtay aan xitaa shaqo u ool, oo fasax ku jiray, ayaa ogolaaday in la furo, waxaana markii gudaha loo galay qolka qasnada deg deg loo maqlay cod aad u gaaban oo ka soo yeedhaya Islaantaas, taas oo noqotay sida ay booliska Faransiisku sheegay xorayntii islaantaas.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply