Abaal Marinta Magaalada Ugu Nolasha Fiican Iyo Mida Ugu Noolasha Xun Oo Lagu Dhawaaqay

Caasimada wadanka Australia ee Melbourne ayaa ku guulaysatay abaal marinta magaalada ugu nolasha fiican dunida, iyadoo ay tahay sannadkii afaraad ee ay si isku xiga u hesho abaal marintan, halka dagaallada iyo qalaanqalka ka jira wadanka Ukraine iyo bariga dhexe ay magaalooyin aad u fiicnaa sagxada u direen.noolasha Diraasad uu daabacay wargayska Economist ee kasoo baxa wadanka UK ayaa uu wargaysku ku sheegay in magaalooyinka Vienna (Austria), Vancouver iyo Toronto (Canada) ay galeen kaalmaha labaad, sadexaad iyo afaraad, iyada oo liiskan magaalooyinka ku taxani dhamaayeen 140 magaalo. Liiska kaalinta ugu dambaysa waxa ka gashay magaalo madaxda wadanka Syria ee Damascus ee uu dagaalku googooyay, waxaana ka hor maray magaalooyinka Dakar (Bangladesh) Port Moresby (New Guinea) iyo Lagos (Nigeria). Waxa kale oo liiska ku jiray magaalooyin uu hoos u dhac ku yimid qaab nololeedkooda 5 sanno ee ugu dambeeyay. Damascus ama dimishiq waxa markale ay hoos uga dhacday %28 intii ay sannadkii hore taagnayd, iyada oo isla markaa hoos u dhacu uu saameeyay magaalooyinka ruushka ee San Petersburg, iyo Moscow. Halka ay diraasadani sheegtay in magaalo madaxda dalka Ukraine ay hoos u dhacday %17 sababtuna tahay dagaalka ay fooda iskula jiraan ciidamada wadanka Ukrain iyo maleeshiya gooni ugoosad raadis ah oo kasocda bariga wadankaasi, iyada oo magaaladani soo gashay kaalinta 124aad. Cilmi baadhistan ayaa waxa lagu qiimeeyaa heer nololeedka magaalada qaababka ay ugu muhiimsan yihiin daganaanshiyaha, nooca kaalmooyinka caafimaadka, waxbarashada iyo nadaafada iyo dhismahaba. suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply