Abwaan LaabSaalax Oo Sheegay In AHN Axmed Xasan Cawke Uu Ka Bartay Casharo Uu Toos Ugu Dhigay.

Abwaanka Xasan Dhuxul Laabsaalax isla markaana ah Gudoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska ayaa waxa uu bogiisa facebooka waxa uu soo dhigay casharo uu ka bartay isla markaana uu toos u siiyey AHN Marxuum Axmed Xasan Cawke waxaanu u dhigay qoraalkiisa sida tan.

Bishii april 2015 inkastoonan Sixi Karin maalintaasi Taariikhidu Inyay Ahad, Waxaan Marxuum Axmed Xasan Cawke ku kulanay Radio Hargeisa Goor Barqo ah. Waanu is Raacnay,waxaanan Ka.Wada Qadaynay Hotel Crown .Anagoo.Markii Danbe Tagnay Guriga XIDIGAHA GEESKU hargeisa ay Ka Daganyihiin,

DAAWO GABAY BAROORDIIQ AH OO LOO SAMEEYEY MARXUUM CAWKE

Marxuum.Cawke Wuxuu Iiga Sheekeeyay.
Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo saaxiibo Dhaw ay ahaayeen,. Marxuum.Maxamed.Siyaad Bare.Waxa Kale.oo Dadnimo, Karti Dulqaad iyo wanaag badan uu iga.Sheegay KHaliif.Ciise Mudan oo ay.Saaxiibo.ahaayeen, Waxa Kale Oo.uu.Wax iiga Taabtay Siduu Shaqada.Saxaafada Ku Bilaabay iyo siduu ku.Noqday.Afhayeenka.Madaxwaynihii.Somalia Marxuum.Siyaad Bare waxaanu I.Cadeeyay intii.Uu La Shaqaynaayay inuu La kulmay.Madax badan oo oo kala dhar,iyo dhaqanba ah. Isagoo si mugle iigu iftiimiyay in SIRTU tahay wax.Masuuliyad u Baahan.
Axmed xasan Cawke.Talooyin Nolosha ku.saabsan oo badan ayuu I siiyay, Waxaanan Huba Daqiiqada aad la kulanto axmed.xasan cawke inaad.ka.faa,iidaysay.Cashar nolosha kaa An Faca,
Waxaan Jecelahay Qodobo Dadka.uu.kaga.Duwanaa sidaan.qabo oo maalintaa uu I sheegay
WUXU IGU YIDHI MARXUUM.CAWKE.
:: Waligay Qof.Nalama.Kala.Jiidin oo ismaanu Feedhin intio.Aan.Caqliyaystay
WAligay.Ma.Caban, Qofna kama Caban.Qofna.Uma.Caban,
Waligay Kama Cadhoon.Qof.Aanan Aqoon oo.aflagaado ii Gaystay, mana su,aalin Sobabta uu igu Xanaaqay Balse aniguunbaa Dib u Raaligaliyay, intaana Wuxu I Raaciyay Magachadaad Yeelato Ilaalin ayuu kaaga Baahanyahay.
Waxa Kale oo uu ii.Sheegay In uu Tagay Caasimadaha Aduunka.dhamaantood Marka Laga Reebo Laba Caasimadood, intaa markuu igu Yidhi waxoogaa inta uu.Madaxa Ruxay ayuu igu yidhi Xamar Caasimad Duntay iga Dheh
Axmed Xasan Cawke waxaan.aad ula Yaabay qaabka uu barnaamijyada u Diyaarin jiray isagoo xog badan inuu helo aad u jeclaa..Marxuum.Cawke .Xidigaha Geeska barnaamij .Uu.ka.diyaariyay Inta.Uu.ku.Sifeeyay.ma Qabo.Qof wariye ihi inuu hore ugu.Sifeeyay Dibna ugu Sifayn Doono.
Marxuum.Cawke.Wuxuu.Ahaa.nin.Xarago.Badan, dhawrsoon,..Xan .Neceb, Gacan Furan
Waaya arag ah.

TAARIIKHDII AXMED XASAN CAWKE

Qofku.inuu Mustawaha.ilaaliyo Weeyi waa.eray.ka.mida.erayaduu igu yidhi.
Wuxu.Ahaa.nin Afka, Dhaqanka, iyo Dhulka Somaliyeed aad u Kala.Yaqaana
Allaha u.Naxariisto Marxuum axmed Xasan cawke oo.ilaahii.abuuray.oofsaday
Aamiim

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com