Maansadani Waxa La Yidhaa- GOLE-KA BAAN- Waxa Soo Saaray Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax- Oo Siwayn looga yaqaana Dhulka Ay Dagaan dadka afsomaliga ku hadlaa isla-markaana ah Gudoomiyaha Kooxda XIDIGAHA GEESKA, Maansadan oo si mugle u qeexaysa xaaladaha is dulbarkan ee dalka ka jira- ayaa waxay ku soo Beegantahay wakhti Qabyaaadu Madax iyo mijaba ka noqotay Caado Iyo Dhaqan- islamarkaana wuxu abwaanku kaga hadlay siyaasiinta kolba xisbi ku biira- sidoo kale waxay maansadu taabanaysaa- shirarka ay dhawaanahan danbe beeluha Qaarkood Qabsanayeen Kuwaasi oo qaranimada ku ah meel ka dhac .

maansadan oo sarbeeb badani ay ku jirto waxa abwaanku uu ku faafiyay habeenka xalay ahaa- bartiisa facebook-ga
waana Tan Maansadii GOLE-KA-BAAN

Waxaad Godob Ka Faantaa
Waxad Ceeb ka Gubataa
Waxaad Guul ku Hirataa
Waxaad Talo Gorfaysaa
Waxaad Garasho Dirirtaa
waxaad Gole Ka Baantaa
Ruux Gaya Markaad Tahay
HANKU Meelu Gayn Karo-
.
Dadka Ruuxa Gacan Madhan
In kastuu Go’o Cawalani-
Garabkiisa Sudhanyahay-
Yaanu Waayihii Gabay
Kugu Odhan Gob Maahoo
Waxaad Galinba Aragtiyo
Hadba Dhaayo Guudkood
Yay Garasho Kaa Noqon-

Gobanimo Ha Wada Bidin
Qofaad Galab is Aragteen
Hana Moodin Gacalkaa
Guushaada Ruux Neceb.

Adigoo Gargaar Biday
Ruuxa Gacan Ku Siin Kara
Abaal Maanta U Gabay
Bari Yaanu Kuu Galin,

Garta Eexo Haw u Naqin
Hadba Godobta kii Fala
Ha ka Dhigin in Laga Guday
Danbi uu isagu Galay.

Cimrigiyo Gugaagiyo
Garaadkaaga Kaashoo
Gurac Hadalka Haw Odhan
Haku Waayin Ruux Goba
Eray Aanu Kaa Gayin,-

Gees Qudha Nin Laga Hago-
Wax kastoo dhagaha gala
Lagu Guro War uu Guro
oo gabba ha noqonine
Xor Ka Noqo Gabraarsiga

Gujo Nacasta Hoosiyo
Goolaaftan Lagu Jabo
Yaanu Ficilku Kuu Gayn-

Ha ka Guban Walaalkaa
Wuxuu Libin Gudoonsado
Hana noqon Qof Gaasira –
Guusha aadmi taransado

Hana Noqon Gar iyo Daw
Ruux Garaadka Loo Sido
Ama Lagu Dan-gaadhoo
Lagu Guuro Waligii-

Marna Yaan Go,aan Li,i
Hadba Gees Laguu Wadin
Gadhwadeen laguu Noqon-
Mabda,aaga Garashadu
Gondihiisa yuu Tagin
Nin Ku Gaadha Tuu Rabay

Geedi Weeyi Duunidani
Goblan Bay Ka Tahay Nagi
Waa Dharaaro Gabigeed
Laga Guuri Doonoo
Geeri Lagu Sugaayee-
Ha Gaaf Meerin Talo Baas
Galadeeda Xoogiyo
Ha ku Raadin Giniyaad
Hana Gadin Damiirkaa
Kala Garo Amaanniyo
Waxaad Gaar u Leedahay
Inaad Godob Ka baqatiyo
Kala Daa Gar Eexaad-

Waligaa Ha Tagin Goob
Wixii Ceebbo Lagu Galo
Gooni Adiga Kuu Tahay-

Ha u Galin Wanaag Ruux
Bari Adiga Guuttiyo
Kuu Samaysta Geesh culus
Gardaradiyo Eexdiyo
Garabsiga Ka Waynow

Gafku Yaanu Darajiyo
Kuu Noqonin Gaashaan
Gobood Aad Ka Dhigtoo
uunku Yaanay Kuu Garan
Gardaadshaha waxyeelada

Inkastood Ahayd Guul-
Qof Dedaal U Gaaryahay
Oon ka Gaabin Tamartii
Wixii Kaa Gedmaday Shalay
Maanka yaanay Gubashiyo
Ku Abuurin Gocoshee
Maantiyo Wixii Gara
Ee Kula Gudboon Yeel-
Hawl Aanad Wali Galin-
Horteed Gogol u sii Xaadh
Wakhtiyada is gurayee
Maalmaha Is Garab Yaal
Mid waliba Geday Tahay
Dhacdadadeeda kaga Gudub

Afartaa- Tusmada Guud-
Sheekada Ku Gaabshaye
Googa Dheh Maansooy?
Arimaha Gayiga Jira

Danta Guud Hirgalinteed
Gal-Dalooladeediyo
Markay Tahay Gufaynteed
Lama Gabo Dhankaagoo
Gole Lalama Joogsado
Waxaan Laga Garaabayn
Iyo Taada Gaarka ah–

Waxaad Gaar U saartaan
Waxaad Gaggo Ka Caydnaan
Waxaad Geed xajiin badan
Hoostiisa Gaysaan –
Ruux Qabyaalad Aan Galin
Oon Hoos U kala Gurin
Dadkuu Guulaheen Simay
Xil Siyaasi Gudan Karo
Uma Eegtid Garashiyo
Karti iyo Go,aankee-
Waxaad Garabka saartaan
Keena Gawska Dhaafsada
Qaranimada Loo go,ay
Guno kay La Wayntahay
Geesibaan Ku Sheegnaa
Nin Damiirku Gudhaybaan
Ninka Raga Ag Gaynaa–

Galle Oo Ka Bexe Shalay
Galabtana Ku Soo Noqoy
Xisbiyada U kala Guur
Markuu Joogo Waa Gobe
Gun-ku Sheeg Markuu Tago-
Beentiyo Runtii Goob-
Goor Qudha Ka Wada Sheeg-
Amaaniyo- Dhaliil Guud
Hadalkii Iskugu Gee-
Mabda Gaara Ma Lahee
Shacabkii Wuxu Gudo
wuxuu Gallo Oqoonsaday-
U garaac durbaan Kale.
Iyaguna Gadoodii
Boodhadh Gaara la hor yaac-

Danta Guud Siyaasiga
Tiisa Gaar Ka Doorbiday
Gar Allee Anoon Wali
Go,a aan ka wada rogin
Toban laabna Guudmaray–
Xaajooyinkuu Gaalo
god kalaan shaxdii degay-

Bal Maxaad U Kala Guri
Bal Maxaad U Kala Goyn
Bal Maxaad u Kala Gayn
Bal Maxaad Gumaadkiyo
Goblankooda Uga Talin
Umad Gayi Ku Wada Nool
Dhaqankana Ka Wada Goba
Gibilkana Is-kaga Mida
Af Wadaaga Gooniya
Oo Aan La Kala Garan.
Oon Gaal ku Jirin Qudhii
Bal Maxaad U Hoos Gayn
Nacabkooda Guunka ah
Gobanimo dadkaa qaba
Shacabkaa Go,aan Qudha
Ku Gudoomay Libintii
Bal Maxaad God ugu Ridi
Taladay ku Goosteen-

Kud Ka guur Hadana Gee
Geediga Qanjaha Gee
Waa Gadaynu wada nahay

Haldoorkiinu Waa Gudin
Miskiin Gooya Seedaha

Taladeenu Waa Gees-
Danteenii Ka Gudhanoo
Hadba Keenaa Go,ooya
Ku Jaan gooya Tiisii

Dhalinteenu waa Gaas
Guluub kii u Shidi laa
Sidii Xaabadii Gubo-

Gayigani Markuu Shalay
Dadkiisoo Is Garabsaday
Beelnimo Ka Guureen
Xisbiyana gaardaadsheen-
Rajo Saw Imay Galin
Saw Guusha Maan Filan
Ka gadaal biliyo Bilo
Hankii Aan Lahaa Gaadh
Saw Gaagax Muu Noqon.
Midhahaan lahaa Geed
Beertaye Ka Soo Guro
Garanwaa I Muda Iyo
Saw Gucundho may noqon-

Saw Qabyaaladaan Go,e
Bari Hore Garwaaqsaday
inay tahay Gumaysiga
Ma Gudbuhu Ku Caanyahay
Bulshadeenu gurayoow
saw ma wada gardaadshaan
Misna saw Ma Gaaxshaan
saw uma Guntanayaan-
Guulwade han Liitiyo
ma gabade Xishood Tiray
waxaan maanka gali karin
Oon gurbood ka daadagin
Guudka aan ka iman karin
Gunta Aan ka socon karin
Saw Gole Lamuu Tagin-

Dadkeenii Gudboona-
Saw iniba Geesteed-
Gaarkeed umay Shirin
Saw Laysma kala Gurin
Saw Laysma wada Ganin
Saw Guuxi Muu Badan-
saw gocasho may iman-

Xisbiyada- lahaa Gu,gan
Gurmad Weeyi Ku Yimid
Saw Godobta Reeraha
kuwa nabaro gaystee
Gunaad beeray may noqon

Geedigu Intuu Wali
Guuraayo Sahan li,i
intay Goboladeeni
kala Guulo badanyiin

Bulsho kala Godoodaay
Bulho Kala Gudaysaay
Bulsho Kala Golaysaay
Dib Intaad U Gurataan
Ha u Guurin Reernimo
Qarankaad Ku Tahay Gobe-

KA DHIIBO FIKIRKAAGA