Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ( Wuxuu Marxuun Axmed Xasan Cawke ii sheegay )….

Qoraalkan oo uu abwaan laabsaalax ku baahiyey bogiisa face book oo aan ka soo xiganay ayaa waxa uu u qornaa sidan Bishii april 2015 inkastoonan Sixi Karin maalintaa Taariikhdu Inyay Ahad, Waxaan Marxuum Axmed Xasan Cawke Allaha u Naxariistee, ku kulanay Radio Hargeisa Goor Barqo ah.

Waxaanan isku Raacnay Hotel Crown oo Aanu Ka Wada Qadaynay, kadibna Waxaan Tagnay Guriga XIDIGAHA GEESKU Hargaysa ay Ka Daganyihiin Halkaasi oo Wakhti aanu ku Wada Qaadanay Marxuum Cawke Wuxuu Maalintaa iiga Sheekeeyay.Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo saaxiibo Dhaw ay ahaayeen,. Iyo Madaxwaynihii Hore ee Somalia Marxuum Maxamed Siyaad Bare oo uu La Soo Shaqeeyay.

Marxuum Cawke waxa uu Dadnimo, Karti, Dulqaad iyo Wanaag badan uu iga Sheegay KHaliifCiise Mudan oo uu yidhi Waa Hogaamiye Wakhtigiisii Aanu Wali Iman.
Waxa Kale Oo uu Wax iiga Taabtay,Siduu Shaqada.Saxaafada Ku Bilaabay iyo Siduu ku Noqday Afhayeenka Madaxwaynihii Somalia Marxuum Siyaad Bare,

Marxuun Cawke Waxuu ii Cadeeyay intii Uu La Shaqaynaayay Siyaad Bare inuu Ka Bartay Waxbadan islamarkaana La Kulmay Madax badan oo dunidan ka soo Talisay kuwaasi oo kala dhar iyo dhaqanba Duwan.Marxuum Cawke wuxu si mugle iigu iftiimiyay in SIRTU Tahay wax Masuuliyad u Baahan.

Axmed xasan Cawke Talooyin Nolosha ku Saabsan ayuu I siiyay, Waxaanan Hubaa Daqiiqada aad la kulanto Cawke inaad Ka faa,iidaysay.Cashar nolosha kaa An Faca,

WUXU IGU YIDHI MARXUUM.CAWKE.

:: Waligay Qof Nalama Kala Jiidin oo ismaanu Feedhin intio Aan Caqliyaystay

:: Waxa Kale oo igu yidhi Qofna kama Caban Qofna Uma Caban, Ee kolba Xaalada Shaqo, Dhaqaale iyo Ta Nololeed ee markaa Taagan ayuun baan la Noolahay.

:: Waxa uu Igu Yidho oo Kale Qof aanan Aqoon oo aflagaado ii Gastay Kama Cadhoon mana su,aalin Sababta uu igu Xanaaqay, Balse aniguunbaa Dib u Raaligaliyay intaana Wuxuu ii Raaciyay
‎Magac hadaad Yeelato Ilaalin ayuu kaaga Baahanyahay!

:: Waxa Kale oo uu ii Sheegay In uu Tagay Caasimadaha Aduunka Dhamaantood Marka Laga Reebo Laba Caasimadood, intaa markuu igu Yidhi intuu Marxuumku waxoogaa Madaxa Ruxay, Ayuu ii Raaciyay. Xamar Caasimad Duntay iga Dheh

Marxuumku Wuxuu Ahaa.Nin Niyad Wanaagsan. Qalbigana Qani Ka Ah. Islamarkaana aad u naxariis badnan

Marxuum Cawke Wuxuu Lahaa Curin Fog, iyo Hibo Tabineed oo Dhagaha Dadka inta uu Hadlaayo keenaysay inuu Hanto.

wuxuu Lahaa.Magac Wayn oo Dadka afsoomaaliga ku hadlaa ay aad u Yaqaaneen. Iyo Sumcad dhisan oo laga Dheehan karo Shakhsiyadiisa Wanaagsan

Wuxuu ku Fiicnaa War Akhrinta, iyo Gudbinta barnaamijyada Madadaalada ah.

Wuxuu Afsoomaaliga Ku Soo.Kordhiyay Eray bixino badan, Sida Naf La Caari, Gagada Diyaaraduhu Ka Haadaan, Maamulka Ulaha Boocda ah ku Tukubaayay, iyo Qaar kale oo Fara Badan.

Axmed Xasan Cawke Markuu barnaamij Diyaarinaayo intuuna Bilaabin Xog Badan ayuu isku Dayi Jiray inuu ka ogaado barnaamijka u Diyaarinaayo, Marxuumku Xidigaha Geeska barnaamij Uu ka Diyaariyay Intuu ku Sifeeyay ma Qabo in Qof wariye ihi hore ugu Sifeeyay Dibna ugu Sifayn Doono.

Marxuum Cawke Wuxuu Ahaa Nin.Xarago.Badan, dhawrsoon,..Xan Neceb, Gacan FuranWaaya arag ah.

Wuxu Ahaa nin Afka, Dhaqanka, iyo Dhulka Somaliyeed aad u Kala.Yaqaana

Allaha u.Naxariisto Marxuum axmed Xasan cawke oo Xaqii u yimid ilaahii abuuray oofsaday
Aamiim Aamiim Aamiim Aamiim…..

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com