Acterka Caanka ah Ee Somalidu u Taqaano Cali Dheere Ayaa 75 Jirsaday Amitabh Bachchan+Taariikhdiisa

Jilaaga caanka ah Amitabh Bachchan ah Ee Somalidu u Taqaano Cali Dheere ayaa  75 jir ayuu noqday Cali dheera.

Taariikhdiisa oo kooban

Magaciisa oo dhameystiran waa Amitabh Harivansh Bachchan, waxaana loo garanayaa Amitabh Bachchan, waa aktar sidoo kalena waa filim sameeye Hindi ah.

11 bishii October sanadkii 1942-kii ayuu dunida ku soo biiray Amitabh Bachchan, waxaana uu ku dhashay magaalada Allahabad ee dalka India.

amitabh-bachchan-79

Waa aktar hore oo Bollywood-ka ah, waana filim soo saare, waxaana uu keenay ama ka soo muuqday boqolaal filimo Bollywoodka ah, isagoo sidoo kale ah heesaa oo codkiisa ku heesa filimada qaar.

Bilowgii todobaatameeyadii Amitabh Bachchan waxa uu ka soo muuqaday filimada Deewar iyo Zanjeer, waxaa filimkiisii ugu horreeyey Bollywood-ka uu ahaa “angry young man”.

180 filim ayuu keenay xirfaddiisa, waxaana uu ku guuleystay abaal-marrinno badan oo ay ku jiraan saddex abaal-marinta qaranka ah, 14 jeer aktarka ugu fiican filimkiisa, iyo kuwo kale.

Amitabh Bachchan 29 jeer ayuu u sharaxnaa abaal-marinta aktarka sanadka dalka India, waxaana uu ku guuleystay lix  jeer, waa Aktarka saddexaad oo ugu badan ee ku guuleystay jaa’isadan, waxaana kaliya ka horreeya Shah Rukh Khan iyo Dilip Kumar oo min 8 jeer haysata abaal-marintan.

Waxa uu Amitabh Bachchan guursaday atariishada Jaya Bachchan, waxaana ay u dhashay aktarka Abhishek Bachchan iyo Shweta Nanda, waxaana Amitabh iyo Jaya ay is qabaan ilaa sanadkii 1973-kii, iyadoo aktarka ay dhaleen ee Abhishek uu haatan qabo atariishada Aishwarya Rai, taasoo uu guursaday sanadkii 2007-dii.

Hawraar ayaa aktarkan halyeyga ah ee Amitabh Bachchan leh dhalasho wacan kaasoo u dabaal dagaya dhalashadiisii 75-aad.cq-7ysquaaamdkf

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com