Aishwarya Rai Oo Jacaylkeedii Hore Ee Salman Khan Ku Taageertay Arin Mihiim Ah

Jilaaga Salman Khan, ayaa maalmahaan la kulmayay dhaleeceyno xoogan oo kaga imaanayay bulshada India, kadib markii dhawaan loo magacaabay safiirka India ee ciyaaraha Olombicada Brazil ka furmi doona 5 ilaa21-ka Bisha Augosto ee sanadkaan.

 

Sida uu baahiyay Wabseedka Pinkivilla, Fanaaniinta, ciyaaryahanada iyo jilaayaasha India, ayaa taageero xoogan u muujiyay Salman Khan.

Balse arinta xiisaha leh ayaa ah, in gacalisadiisi hore ee ay 17 sano kahor kala hadheen  Aishwarya Rai, mar ay xayeeysiin u sameyneysay Filimkeeda xiga ee Sarbjit ay taageero xoogan u muujisay Salman Khan.

 

Waxay tidhi .Waan taageerayaa waana soo dhaweeynayaa in Salman loo magacaabo jagadaas, waayo qof walbo dalkiisa matalaya ha ahaado fanaan, ciyaaryahan ama jilaa, waa qof wanaagsan” ayay tiri Aish.

Faalo Ka Dhiibo

comments