Ajay Devgn oo beeniyay in Xaaskiisa Kajol isku dhaceen

Aktarka Caanka ah ee  Ajay Devgan ayaa beeniyay wararka sheegaya in isku dhacsan yahiin Xaaskiisa Kajol kadib markii todobaadkan warar ka dhan ah la baahiyay.

Waxa uu sheegay in uusan wax khilaaf ah haba yaraatee jirin oo u dhaxeeya Isaga iyo xaaskiisa waxa uuna warkan warbaahintu Baahisay ku sheegay been abuur.

Ajay ayaa xusay in aanay jirin wax dhibaata ah oo taagan waxa uuna tilmaamay in warbaahinta qaabka ay wax u wadaan tahay qaab isku dir ah oo aan dhab ahayn balse la doonayo in xaaskiisa la isku diro.

Hadalkani wuxuu soo Baxayaa xili Warbaahinta hadal hayeen in uu jiro khilaaf ka dhax taagan xaaskiisa iyo Actarkaa caanka ah oo warbaahinta baahisay.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply