Aktarada Alia Bhatt “Inaan Oscar ku Guuleeysto Ayaa Iiga Muhiimsan Guurka”

Alia Bhatt, ayaa xamaasad daran u qabta in Tiyaatarada lasoo saaro Filimka Udta Punjab, kaasoo ay ku mataleyso gabar qaxooti ah.Alia oo wareysi gaar ah siineysay mid kamid ah Jaraa’idyada wax ka qora dadka caanka ah, ayaa la weydiiyay sababta ay ku dooratay ineey Gabar qaxooti ah ku matasho Udta Punjab, waxeeyna ku jawaabtay.

 

 

 

Waxaan jeclahay inaan soo jiito dareenka daawadayaasha, sidii aan horayba uga soo jiitay markii aan matalayay Filimka Student of the Year”.

 

 

 

Aktarada Alia Bhatt, ayaa xamaasad daran u qabta in Tiyaatarada lasoo saaro Filimka Udta Punjab, kaasoo ay ku mataleyso gabadh qaxoonti ah.

Alia oo wareysi gaar ah siineysay mid kamid ah Jaraa’idyada wax ka qora dadka caanka ah, ayaa la weydiiyay sababta ay ku dooratay ineey Gabar qaxooti ah ku matasho Udta Punjab, waxeeyna ku jawaabtay.

 

“Waxaan jeclahay inaan soo jiito dareenka daawadayaasha, sidii aan horayba uga soo jiitay markii aan matalayay Filimka Student of the Year”.

 

Sidoo kale mar aktarada wax laga weydiiyay nolosheeda gaarka ah iyo waqtiga ay u qorsheeysay Guurkeeda, ayaa waxay ku jawaabtay sidan, “Hada waxaa ku fikirayo waa in maalin maalmaha kamid ah dadka aan soo hor istaago islamarkaasina aan ku guuleeysto abaalmarinta Oscar-ka, sida guurka uu gabdhaha kale micno gaara ugu leeyahay, aniga Oscar-ka ayaa micno gaar ah ii leh”

 

Faalo Ka Dhiibo

comments