Aktarada Angelina Jolie Oo Ku soobiirtay Mucaaradka Donald Trump

Aktarada caanka ah ee Angelina Jolie Pitt, ayaa madaxda Caalamka ugu baaqday ineey u midoobaan wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta qaxootiga, waxeeyna sidoo kale si aad ah u mucaaraday aragtida Donald Trump ee ku wajahan qaxootiga.

Jolie oo safiir qaramada midoobay uga ah Qaxootiga, ayaa wareysi ay siisay BBC World On The Move, ayaa sheegtay ineey sii badanayaan dhibaatooyinka haysta qaxootiga, gaar ahaan kuwa isaga cararaya dagaalada Syria iyo Iraq.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa kal hore sheegay in hadii asiga la doorto, uusan Muslimiinta iyo soo galootiga u ogolaan doonin ineey ku noolaadaan dalka Mareeykanka.

“Hadii Guriga deriskaaga uu dab qabsado, kuma badbaadeysid inaad daaqadaha xirato” ayay tiri Angelina Jolie.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments