Aktarada Jennifer Lopez Oo Ruxday Xafladii Abaal Marinta Teen Choice Awards 12-Sano Ka Dibna La Kulantay Inankeedi

Fanaanada Jennifer Lopez ayaa ruxday Masraxii lagu bixinayay abaal marinta Teen Choice Awards ee dalka Maraykanka oo Maalintii shalay lagu qabtay, Magaalada Los Angeles, waxaanay gabadhan jilaaga ahi fagaaraha soo gashay iyadoo ku labisan dhar dadkii masraxa ku sugnaa aad uga dhaygageen.

Sida wakalaada warararka ee arrimaha xidigaha ka faalooda ku warameen, waxay gabadhani ku soo labisatay dhar aad u gaagaaban oo uu si gaar ah ugu diyaariyay ninka labiska xidigaha Hollywood u nashqadeeya ee Lubnaaniiska dhalashadiisu tahay ee lagu magacaabo, designer Elie Saab.

Aktarada ahna fanaanada aadka loo jecel yahay ee Jennifer Lopez ayaa masraxaas lagu qabanayay xaflada abaal marinta Teen Choice Awards 2014-ka, kula kulantay jilaaga filimada ee da’da yar ee loogu yeedho, Taylor, kaas oo kulankoodani noqonay kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan laba iyo toban sanadood ka dib.

 

 

Taylor ayaa filim 12-sanadood ka hor ay matashay Jennifer Lopez ku matalayay inankeedi ama wiil ay dhashay, waxaana isugu war danbaysay wakhtigaas oo uu sida sawirka ka muuqata uu aad u yaraa, hasa yeeshee waxa ay dib u kulmeen 12-sanadood ka dib isagii oo aad uga wayn intii markii uu wiil ay Lopez dhashay ku matalayay filimkii Manhattan in 2002.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply