Aktarada Kareena Kapoor Ayaa Hadal Layaable Ku Tidhi Shahid Kapoor

Kareena Kapoor ayaa hadal la yaab leh ku tidhi gacaliyaheedi hore Shahid Kapoor, xili ay ku gudo jireen xayeeysiinta Filimkooda la wada sugayo ee Udta Punjab.

Shahid Kapoor oo ka hadlayay xayeeysiinta Udta Punjab, ayaa jilaayaasha kale sida Alia Bhatt, Kareena iyo Diljit ku yidhi, “Saaxiibayaal waa inaan hawada sare ku duulnaa, si aan xayeeysiin lala yaabo ugu sameyno Filimkeena Udta Punjab”.

Balse waxaa la yaab noqotay jawaab ay si deg deg ah u bixisay Kareena, waxeeyna ku tidhi, “Shahid makaa runbaa hadalkaas, sidee hawada sare ugu duuleeysaa ileen sida aan wada ognahay Qamri iyo Sigaar ma cabtide”.

Kadib jawaabta Kareena ay bixisay, waxaa meesha is qabsaday qosol iyo kaftan. Kareena iyo Shahid ayaa qeyb ka ah Filimka Udta Punjab, inkastoo labadooda marnaba aysan ku wada kulmi doonin Filimka.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments