Aktarada Lindsay Lohan Oo La Sheegay In Ay Muslintay

Aktarada caanka ah Hollwyood ee u dhalatay wadanka Mareyanka ee Lindsay Lohan ayaa  la sheegay in ay qaadatay diinta Islaamka oo ay soo muslimtay. 
Warar hoose oo laga helay aktarada ayaa sheegaya in ay ku Islaamtay magaalada Dubai oo ay waayahan danbeba daganeyd halkaasoo ay afka carabigana ku baraneyso. 
Lindey Lohan ayaa waxaa arrintan ay soo shaacbaxday kadib markii ay masaxday sawiradeedii Instagramka ugu jiray oo dhan iyadoo kusoo qortay Wacaleykum Wasalaam kaliya oo ah salaanta Islaamka.

Waxaa la xasuustaa in Lindsey Lohan lagu arkay laba sano kahor kutaabka quraanka iyadoo wadato waxaana sidoo kale la ogaa in waayahaan ay caawineysay qaxootiga Syria ee jooga dalka Turkiga iyadoo lagu arkay dhowr jeer iyadoo xijaab ku labisan.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com