Aktarada Loogu Jecel Yahay Afrika Ee Dhawaan Muslimtay Oo Ka Warantay Sababtii Ay Ku Islaamtay

Mid ka mid ah gabdhaha jilistooda loogu jecel yahay dalka Nayjeeriya ee galbeedka qarada Afrika oo lagu magacaabo, Elizabeth Anjuran, oo iyadu dhawr biloodka hor shaaca ka qaaday inay muslimtay oo diinta Islaamka ay qaadatay ayaa si faah fahsan uga hadashay go’aankeedaas waxa ku dhaliyay, sababta iyo warar la isla dhex marayay oo ay beenisay.

Elizabeth Anjuran Oo Ka Mid Ah Jilayaasha Loogu Jecel Yahay Nayjeeriya ayaa shaaca ka qaaday, isla markaana warbaahinta ka cadaysay in ay qaadatay diinta Islaamka oo ka mid noqotay walaalaha Muslimiinta, go’aankaas oo ay Elizabeth ku tilmaantay mid nafteeda ka soo go’ay oo aanay cidi ku khasbin, waxaanay si kulul u beenisay warar la isla dhex marayay oo sheegaya in cabsida kooxda Boko Haram ku kaliftay inay sheegato Muslim.

Gabadhan jilaaga reer Nayjeeriya, ayaa ka warantay, qoyska ay ka soo jeedo, oo ay sheegtay in uu yahay qoys labada diimood ee dalka Nayjeeriya laga aaminsan yahay, rumaysnaa, waxaanay tilmaantay in hooyadeed ahayd muslim halka aabaheed ka ahaa kiristaan.

Elizabeth ayaa sheegtay in markii ay rog rogtay ka dib ay qaadatay diintii hooyadeed oo dhawaan geeriyootay, isla markaana ay ku talo jirto in ay waajibaadka xajka u soo gudato, iyaguna ku soo edbiso nafteeda oo ay kama danbays tahay arrintaasi.

Elizabeth oo markii ay qaadatay diinta Islaamka la baxday ama magaceeda cusubi noqday Eliza Aisha, Waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaantay, warar la isla dhex marayay muddooyinkii u danbeeyay, oo sheegayay in sababta ay u Islaantay ay ugu wacan tahay nin milyaneer ah oo ay jeclaatay oo muslim ah, kaas oo ka dalbaday in ay muslimto si uu u guursado.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply