Aktarada Priyanka Chopra Oo Shaacisay Xiliga Ay Guursandoonto

Aktarada Caanka ah ee  Priyanka Chopra, ayaa hada ku mashquulsan Filimadeeda Hollywoodka ee Baywatch & Quantico.Priyanka, waxeey hada u muuqataa mid ku raaxeeysaneysa Doobnimadeeda

islamarkaasna aan dooneeyn ineey guursato oo ay dhaqdo reer,Aktarada ayaa dhawaan soo hadal qaaday xiliga ay guursaneyso iyo wax u qorsheysan Mustaqbalka, waxeyna sheegtay ineey dooneyso ineey Hooyo noqoto, sidaas darteedna lagama maarmaan ay tahay ineey guursato.

Waxay tidhi“Had iyo jeer waxaan doonayaa inaan Hooyo noqdo oo aan ubad dhalo…sababtaas darteedna waa inaan guursadaa..caruurtu iskama imaadaan guur la’aan…bulsho ahaan sidaas ayay la micno tahay”

Priyanka, ayaa dhawaan galeysa da’deeda 34-aad, taasoo ka dhigan in waqtiga soo haayo, islamarkaasina ay dooneyso ineey ka faa’iideysato.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments