Aktarada Reer Colombia Ee Sofia Vergara, Oo Sanadkii 2aad Noqotay Qofka Dunida Sadexaad Ugu Mushaharka Badan

Aktarada sida wayn loogu bartay barnaamijyada majaajilada ah ee telefishanka ka baxa, Sofia Vergara, ayaa sanadkii labaad sii xajisanaysa kaalinta qofka ugu mushaharada badan guud ahaan dunida sadexaad waddamada loogu yeedho.

sofia-(5)Sofia Vergara, oo barnaamij madaadalo iyo qosol qosol ah ka jeedisay telefishanka ABC ee dalka Maraykanka, ayaa sida wararku sheegayaan sanadkan iyo kii ka horeeyay ee 2013-kii, mushahar ahaan u heshay lacag dhan $37milyan oo dollar.

Sida majalada arrimaha dhaqaalaha aduunka ka faaloota ee Forbes ay ku warantay, waxa ay gabadhani si xoog leh oo aad u kala fog, uga mushaharo badatay gabadha ay sida wayn u loolamaan ee Mariska Hargitay, taas oo ah qofka ugu soo dhaw mushahar ahaan, waxaanay sanadkii u xaadirtay aduun lacageed oo dhan sadex iyo toban milyan oo dollar.

Sida Forbes ku warantay waxa kaalinta afraad gashay Kaley Cuoco-Sweeting, oo 28-jir ah, siina daysa barnaamijka komediga ah ee (The Big Bang Theory, taas oo qaadanaysa sanadkii mushaharo dhan 11-Milyan oo dollar.

Ugu danbayntii kaalinta afraad waxa wada galay, sadexda aktar ee Julianna Margulies, Ellen Pompeo, iyo Cobie Smulders, ayaa ku jira kaalinta afraad, waxaanay sanadkii helaan mushaharo marka la isku geeyo dhan ama lagu qiyaasay toban milyan oo dollar.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply