Aktarada Sandra Bullock Oo Noqotay Qofka Ugu Mushaharka Badan Hollywood Iyo Angelina Jolie Oo Kaalinta 4aad Gashay

france-cannes-hunger-games-mockingjay-part-1-party Aktarada aadka loo jecel yahay filimadeeda ee Sandra Bullock, ayaa noqotay qofka ugu mushaharka badan guud ahaan jilayaasha kala duwan ee shirkada Filimada Maraykanka ee Hollywood.

Sida Majalada arrimaha xidigaha caalamka ka waranta ee Forbes aktaradan filimada ugu qiimaha badnaa soo matashay, waxa ay u xaadirtaa 51-Milyan oo dollar Mushashaho dhan taas oo noqonaysa rikoodhkii ugu sareeyay, ee qof uga xaadiro Hollywood.

 

Sida Majaladu ku warantay waxa kaalinta labaad ku jirta aktarada, Jennifer Lawrence, kaalinta sadexaadna waxa gashay Jennifer Aniston, waxaanay labadoodu u xaadiraan mushaharo dhan sideed iyo sodon milyan oo dollar iyo 34-Milyan oo dollar.

201408041055277In kasta oo aanay aktarada Sandra Bullock aanay sanadkan helin abaal marinta Oscar-ka ee jilaagii ugu fiicnaa ama doorkii ugu wanaagsanaa haddana waxa ay jabisay rikoodhkii ugu sareeyay ee mushaharada, sida Forbes Magazine ku warantay.

Lacagta Mushaharka xadigan leh ayay aktaradani ka heshay filimkeedi ugu danbeeyay ee (Gravity), kaas oo liiska ugu horeeya ee Box Office-ka aan ka bixin muddooyinkii ugu danbeeyay, lacag ilaa todoba boqol iyo konton milyan oo dollar gaadhaysana laga macaashay.

Aktarada labaad ee ku xigta oo ah, Jennifer Lawrence oo 23-jir ah, waxa ay iyaduna lacag dhan 38-Milyan oo dollar ka heshay, filimadii ay matashay dhawaan ee ay ka midka ahaayeen, (X-Men, Days of Future Past iyo The Hunger Games”, kuwaas oo ay si wayn uga soo dhalaashay jilistooda.

file_20140804153259Aktarada Angelina Jolie ayaa iyadu gashay kaalinta afraad waxaanay sanadkan mushahar u heshay aduun lacageed oo dhan 18 million dollars.

fg

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply