Aktaradii Falastiinta Ku Tilmaantay Doqmo In La Xasuuqo U Qalma Ee Joan Rivers Oo Xanuun La Garan Waayay U Dhimatay

Joan Rivers, oo ka mid ahayd aktarada qaybaha kala duwan ka soo qaatay matalaada filimada Maraykanka iyo xayaysiinta dharka, wakhtiyadii ugu danbeeyayna noqotay suxufiyad ka hawl gasha barnaamijyada doodaha iyo madadaalada ah ayaa ku dhimatay magaalada New York.

Rivers ayaa sida la sheegay 81-jir da’deedu ahayd, waxaana mar qudha todobaadkii hore lagaga soo booday, hunguriga ka dibna si deg deg ah ayay u neef qabatowday, ilaa cusbitaalka Mt. Sinai ee magaalada New York lagula cararay, halkaas oo iyadoo miyar doorsoon ah ay taalay.

lead_largeSida wararku sheegayaan haweenaydan ayaa muddooyinkii u danbeeyay isticmaali jirtay qaliinada jidh qurxinta, kuwaas oo ay had iyo jeer dib ugu cusboonaysiin jirtay jidhkeeda si aan gabowga looga dareemin, waxaana qaliinadaa joogtada ahi ay noqdeen kuwa sababay dhimashadeeda.

Gabadhan ayaa si kulul u canbaaraysay todobaad yadii ugu danbeeyay nolosheeda, dadka Falastiiniyiinta ah, isla markaana taageero qaawan u muujisay Israel iyo dadka Yuhuuda ah.

Gabadhan oo iska duubtay muuqaal aanay baahin warbaahinta inteeda badani laakiin dhigtay Youtube-ka oo markii danbe laga wada qaatay, ayaa dadka Falastiiniyiinta ah ku tilmaantay, doqmo u qalma in la xasuuqo oo la madhiyo, waxaanay ku baaqday in lagu wado duqaynta ilaa ay ka madhanayaan.

Mar la waydiiyay sababta waxa ay sheegtay in ay caqli xun yihiin oo ay doorteen Xamaas oo argagixiso ah, waxa kale oo ay sheegtay in ay tagayso Israel oo Madaxweynaheedu casuumay aadna ay ugu faraxsan tahay socdaalkaas, iyadoo xustay in filim wadnaha geesiga lagu magacaabo ay ku soo qaban doonaan.

Sidoo kale saacado ka hor intaanay dhicin ee aan cusbitaalka la dhigin waxa ay weerartay aktarada iyo xidigaha dunida oo ay si xun badheedh ah u aflagaadaysay muqaalkooda iyo dirayska ay qaataan.

Markii dhimashadeeda ay ku dhawaaqday gaabdh ay dhashay ayaa si taxadir leh oo aan aad u muuqan, badi aktarada Hollywood uga tacsiyadeeyeen bogooda twitter-ka iyo Facebook waxa kale oo aan aad uga waramin warbaahinta dunida inteeda badan oo aan ahmiyad u siin sida ay qof caan ah u ahayd ama si la mid ah aktarada kale ee dhinta.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply