Aktaradii Reer Spain Javier Bardem Iyo Penélope Cruz Ee Sida Kulul U Canbaareeyay Duulaankii Israel Ee Gaza Oo Hollywood Ganaax Saartay

Lamaanaha reer Spain ee Javier Bardem iyo Penélope Cruz oo dhawaan si kulul u canbaareeyay duqayntii Israel ku haysay gacanka Gaza ayaa la sheegay, in faquuq iyo dagaal culus ay kala kulmeen shirkada filimada Maraykanka soo saarta ee Hollywood.

Lamaanahan oo iyagu ka mid noqday dadkii codka ugu dheer ku canbaareeyay duulaanka Israel ka waday gacanka Gaza, isla markaana ku tilmaamay gumaad ka dhan ah shacabka reer Falastiin, waxa wakaaladaha wararka dunida qaarkood ku warameen in rag badan oo ka mid ah kuwa filimada sameeya oo ka hawl gala Hollywood ay si gaar ah u bar tilmaameed sanayaan.

In kasta oo wararka qaarkood sheegayaan in lagu kala qayb san yahay oo ay jiraan, filim soo saarayaal tiro badan oo aan wax dhibaato ah u arag, in ay aragtiida ku aadan siyaasada Israel ka hadlaan, haddana Hollywood oo ka mid ah goobaha Yuhuudu xooga wayn ku leedahay waxa si adag loo ciqaabaa cid kasta oo Israel inay neceb tahay ama siyaasadeeda diidan tahay loo arko.

Duulaankii Israel ee dhawaan ay muddada bisha ah ku haysay gacanka Gaza oo ilaa kun iyo todoba boqol oo qof oo carruur iyo dumar u badani ku dhinteen, waxa uu noqday kii ugu saamaynta waynaa dunida, si wayna loogu canbaareeyay dalka Israel, waxaana markii ugu horaysay afkooda furay aktarada dunida ugu caansan ee ka hawl gala Hollywood.

Tirada aktarada, filim soo saarayaasha iyo farsamo yaqaanada reer Hollywood ee canbaareeyay Israel oo sanadkan aad u badnaa ayaa la filayaa inay yarayso culayskii la saari jiray cid kasta oo Yuhuud nacayb lagu tuhmo Hollywood gudaheeda.

Lamaanahan reer Hollywood ee Javier Bardem iyo Penélope Cruz, ayaa imika ku guda jira socdaal ay ku marayaan dalka Konfur Afrika gaar ahaan magaalada xeebta ku taalo ee loo tamashlaha tago, Capetown waxaanay ka gaabsadeen inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan wararka la isla dhex marayo ee la xidhiidha in xayiraad lagu soo rogay.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply