Aktarka Ajay Oo Aan Dooneen in Filimkiisa Baadshaho Uusan Ku Dhicin Raees & Kaabil

26-ka January 2017 waxaa la arki doonaa isku dhicii ebid ugu weynaa shirkada Bollywoodka, gaar ahaan markeey isku soo beegmaan Filimada Baadshaho, Raees iyo Kaabil, waxaana sadexdaan Filim kala jilaaya Jilaayaasha caanka ah ee kala SRK, Ajay iyo Hrithik Roshan.

Hadaba waxaa soo baxaya wararka sheegaya, in Ajay Devgan uu doonayo in Filimkiisa Baadshaho uu maalinkaas ka wareejiyo, si uu ganacsi xoogan uga sameeyo.

Balse dhibaatada ugu weyn ayaa ah, in Directorka Filimka Baadshaho Milan Luthria uu ku adkeesanayo in maalinta loo qorsheeyay uu soo baxo.

Wararku waxeey sheegayaan in Ajay uu doonayo in 10ka Marcha 2017 uu kusoo aadiyo Baadshaho, waxaana maalinkaas tiyaatarada ka balansan Alia Bhatt iyo Varun Dhawan

 

Faalo Ka Dhiibo

comments