Aktarka George Clooney Iyo Gabadha Muslimada Ah Ee Uu Guursanayo Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Arooskoodu Dhacayo

 

Jilaaga caanka ku ah matalaada Filimada ee Hollywood George Clooney iyo Garyaqaanada arrimaha xuquuqda aadamaha u ololaysa ee Muslimada ah, Amal Alamuddin oo dunidu wakhtiyadii u danbaysay si wayn ula socotay jacaylka ka dhexeeya iyo heerka ay isla gaadheen, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wakhtiga arooskoodu dhacayo iyo goobta lagu qaban doono.

 

 

Sida warbaahinta dalka Ingiriiska oo ay ugu horaysay jariirada Daily Mail ku warameen, waxa arooskan oo hore loogu waday inuu ka dhaco dalka talyaaniga lagu qaban doonaa, magaalada Qadiimka ah ee Chelsea Old Town, waxaanu dhici doonaa muddo sadex todobaad ka dib ah.

 

Sida warbaahintu sheegtay waxa arooskaas ka soo qayb gali doona marti sharaf tiro badan oo kumanaan tiradooda lagu qiyaasay, kuwaas oo ay ku jiraan, aktarada dunida ugu caansan, siyaasiyiin, maal qabeeno iyo dadka ugu magaca dheer dunida.

Gabadhan uu guursanayo George Clooney ee lagu magacaabo Amal Alamuddin waa aqoon yahanad ku takhakhustay arrimaha sharciga, waxaanay ka hawl gashaa arrimaha xuquuqda aadamiga, waxa ay ku dhalatay magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan, waxaanay degan tahay dalka Maraykanka.

Amal Alamuddin ayaa ka soo jeeda qoys Muslimiin ah gaar ahaana haysta Mad-habta Duruusiyiinta, waxaana hore u soo baxday in hooyadeed ku gacan saydhay guurkan, kana dalbatay inanteeda inay guursato qof muslim ah oo waliba Duruusi ah, iyadoo sida ay hore u baahisay jariirada Daily Mail ka dalbatay inanteeda inay afarta milyan ee Duruusiyiinta reer Lubnaan ah qof ka soo xulato oo ay ugu ducayn doonto, laakiin aanay u ogolayn nin ay kala diin yihiin.

Laakiin sida muuqata khilaafkaasi waxa uu dhamaaday ka dib markii George Clooney isaga laftiisu sheegay inuu dersayo isla markaana ku jiro barashada diinta Islaamka, wallow aan la cadayn inuu ogolaaday inuu Islaamo ama diinta Islaamka qaadan doono uu balan qaaday.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply