Aktarka George Clooney Oo Soo Saaraya Filim Ka Hadlaya Dhagaysiga Telefoonada Oo Nin Suxufi Ahi Qisadiisa Qoray

Aktarka George Clooney ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan uu soo saari doono, filim cusub oo ka hadlaya, dhibaatada basaasida iyo dhegaysiga telefoonada ee dalka Ingiriisku keentay iyo saamaynta ay ku yeelatay bulshada, waxaanu si gaar ah filimkani u saarayaa, fadeexadii hadhaysay maal qabeenka reer Britain ee saxaafada sida wayn uga taajiray.

Fadeexad dhagaysi iyo basaasid ah oo uu ku kacay ninkaas maal qabeenka ah ee lagu magacaabo Rupert Murdoch, ayaa sababtay labo sanadood ka hor in shirkadiisu ku burburto, albaabadana loo laabo, wargeyskiisi caanka ahaa ee “News Of The World”.

obama_03(1)  Sida George Clooney sheegay waxa qisada filimkan qoray oo isagu soo saare ka noqonaya, nin saxafi ah oo waliba rug cadaa ah, laguna magacaabo, Nick Davies kaas oo sheekada filimkan loogu magaca daray, “Hack Attack” bilow ilaa dhamaad diyaariyay si tifaf Tirana u soo agaasimay.

Maxkamad sanadkii hore laga galay fadeexada Rupert Murdoch ee sababtay in albaabada loo laabo wargeyskiisi, News Of The World ka dib markii uu daba galay Milly Dowler oo la helay sanadkii 2011-kii iyadoo mayd ah, ayaa maxkamadu ku xukuntay ninkii tifaftiraha ka ahaa, Andy Coulson, 18-bilood ee xadhig ah.

Waxa kale oo maxkamadu sii daysay oo ay xoriyadiisa u soo celisay tifaftirihii wargeyska “News International” Rebecca Brooks, ka dib markii waxba lagu waayay sida la sheegay, waxa la rejaynayaa in filimkani wax badan oo dadka caadiga ah ka qarsoonaa daaha ka rogo marka la matalo ee la soo bandhigo.

140904151954_clooney_fim_hack_512x288_pa_nocredit(1)

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply