Angelina Jolie Oo Sheegtay In Brad Pitt Ay Isku Jeclaadeen Matalaadii Filimka Mr. and Mrs. Smith Ee 2005-tii

Aktarada Hollywood ahna safiir sharafeedka hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR), Angelina Jolie ayaa waraysi salaasadii lala yeeshay, kaga hadashay jacayl aan caadi ahayn oo ay qabto, jilaaga Brad Pitt, waxa kale oo ay ka warantay wakhtigii jacaylkaasi ku beermay iyo waxa u sababta ahaa.

Angelina Jolie oo sagaal iyo sodon jir ah, ayaa sheegtay in ninkaasi wakhtigan yahay, odayga qoyska balaadhan oo ay iyaduna ku jirto, taas oo ay ku macnaysay in isagu masuul ka yahay iyada iyo carruurteeda sadexda ah.

Aktaradan ayaa tilmaantay in ninkaas jacaylka ay u qabtaa dhaafay xadkii caadiga ahaa, oo sida ay hadalka u dhigtay uu wax walba u yahay, ilaa heerna gaadhay inuu masuul ka wada noqdo iyada iyo nolosheeda oo dhan.

Jolie oo waraysigeedan siisay boga madaadalada ee Contact Music, salaasadii shalay waxa ay ka warantay oo kale, wakhtiga jacaylkaasi ku dhashay, kaas oo sida ay sheegtay ahaa mar ay wada matalayeen filimkii (Mr. and Mrs. Smith), sanadkii 2005-tii, filimkaas oo macaash badan ka soo baxay ilaa 480-Milyan oo dollarna iibkiisu gaadhay.

Sida ay sheegtay gabadhani ma hayso wax nolosheeda u badali kar, Brad Pitt, kaas oo sida ay sheegtay nolosheeda oo dhan ilayska u shida, la’aantiina aanay filayn in wax kafayn karaa jiro.

Angela Julie waxa qoyskeedu ka kooban yahay, sadex carruur ah oo ay dhashay oo kala ah, Shiloh (9Jir ah) iyo mataanaha Vivienne iyo Knox oo (5-jiro ah), waxa kale oo ay korsatay sadex carruur ah oo lagu kala magacaabo, Maddox (13-jir ah), Flower (10-jir ah) iyo Shiloh (8-jir ah).

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply