Anigu Abwaan Reer ah Ma ihi Gudoomiyaha Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul (Laabsaalax)

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ku baahiyey bartiisa Facebooga ayaa kaga hadlay qoraalkiisan arimo badan oo uu uga gol leeyahay inuu ku qanciyo bulshada Suaalaha ka qabta Shaqsiyadiisa  qoraalkan ayaa u dhignaa sidatan

XiDad Badan oo Fariimo i soo Qoray ayaa Jira oo Iga Mudan in inaan Qanciyo!
Qaarkood Waxay I yidhaahdeen
Waxaa Tahahay Qabyaaladiiste!
Qaar kalena Xubnaha Xidigaha Geeska laga Saaray Xamar bay Tageen darteed baa looga Saaray!
Marka Koowaad!……
Anigu Abwaan Reera ma ihi, mana ihi abwaan meela, mana ihi abwaan Taageerayaashiisa iyo Shicibkiisa qaarna Soo dhawaysta Qaarna iska Fogeeya,
Umada Somaliyeed La,aantood Magacaygu muuqan-maayo, Suugaantay-duna macno Yeelan-mayso,
Run ahaantii Xeer Hoosaadka Xidigaha Geeska Meena Kagama Taalo in Xubinmada kooxda Lagu Waayayo Meel La Tago
Hadii Xubinmada Kooxda Lagu Waayayo xamar bay tageen:: Anigaa hore u Tagay oo xubno kale ayaa Tagay oo maanta kooxda ka mid ah
kumana waayin xubinmadooda xamarbay tageen!
ARINTA QABYAALADA!
Shalay Markii Curadka Kooxda Mursal muuse Cumar iyo khadra cabdi sinimoo Laga saaray kooxda maxay qabyaalad u noqon wayday ee ay maanta u noqotay
markii Aniga iyo bk- isna kooxda laga saarayay Ana xilka la iga wareejinaayay
maxay qabyaalad u noqon wayday
ee ay maanta u noqotay—
Taageerayaasha Xidigaha iyo inta Fankayga Jecelna Waxaan Leeyahay
Eediina iyo Dhaliishiina waxaan U Arkayaa Toosin
Mana jiro Qof Shacabkiisa ka Maarmi kara Waanan Ku Qasbanahay inaan Dhaliishiina Aqbalo
Horana Anaa Idiin idhi imikana idin leh”” Xidigaha Geesku Waa Fanaaniin Umada Somaliyeed u Heesta waana Fanaaniin Reer Somaliland ah Taasina Markaan Xumaan laga soo saarayn u Malayan Maayo in ay jirto cid nagu Dhibsanaysaa
Afxumada la buunbuuno iyo, Burushka Ceebayntu
Bini Aadmi-nimaduu ku yahay, Waxaan Banaanayne
Hadaan balada laga Foojigaan, Waa Barkuma taal
Wixii Talo iyo Toosin ah Inaad nala Wadaagtaan Waa Noo muhiiim
Emailkana waaad Noogu Soon Diri Kartaan.
Xidigaha.geeska4@gmail.com
Waad mahadsantihiin

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com