Aqalka Cad Ee Maraykanka Looga Arrimiyo Oo Shuruud Ku Xidhay Kulanka Madaxwaynaha Maraykanka Iyo Dhigiisa K.waqooyi!

Aqalka Cad oo laga taliyo Dalka Maraykanka ayaa waxa uu soo saaray Go’aan kaasi oo shuruud u noqonaya kulanka dhawaan la shaaciyay ee ay yeelan doonaan Madaxwaynaha Maraykanka Iyo Madaxwaynaha K.Waqooyi bisha May ee soo socota.

Shardiga ugu muhiimsan ee kulankaasi lagu xidhay ayaa ah in Dawlada K.waqooyi ay joojiso hubka Neuclear-ka ah ee ay samaysato waxaana sidaa shaaciyay Telefiishanka ABC News ee Dalkaasi Maraykanka .

Af hayeen u hadlaysay Aqalka Cad ee Maraykanka oo magaceeda la yidhaahdo Sara Sandres ayaa waxa ay tidhi ” Trump lama kulmi doono Madaxwaynaha K.waqaaoyi ilaa ay Dawladaasi fuliso balamihii ay qaaday”.

Shuruuda uu Aqalka Cad ee Maraykanku ku xidhay Kulanka Labada Madaxwayne ayaa soo baxay laba maalmood uun kadib markii la shaaciyay in madaxwayne Trump uu aqbalay in uu la kulmo Madaxwaynaha K.waqooyi .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com