Aqoonta aan u leeyahay Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax WQ Maxamed Siciid C/laahi

Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) waa abwaan qiime iyo qadarin ku leh bulshada Somaliyeed oo fankiisu gaadhay meel kasta oo Somalidu degto, waa Abwaan ku dayasho mudan
Abwaan Xasan Dhuxul waa tiir-dhexaadka Fanka Somalida, gaar ahaan waa Abwaan Qaran oo ka soo jeeda Somaliland, islamarkaana sammeeyay heeso badan oo qaranimada ka turjumaya, kuwo waddani ah iyo qaar jacayl u badanba.

Inta aan ka aqaanno waa nin indheer-garad ah, waa nin mufakir ah, waa nin jecel horumarka, waxaa u dhiirigeliyaa wixii wanaagsan ee uu arko, maaha shakhsi dadka xaasida, waa dhakhtar dabiiba dadka jacaylku saameeyay oo marka qiso cid ku dhacday aad uga sheekayso intuu si fiican kaaga dhegaysto ka sammeeya midho khuseeya qisadaas.

Abwaan Xasan Dhuxul waa nin caawiya dadka oo aan markhaati ka ahay dad badan, waa faxal gacatiisu furantahay.
Abwaaan Xasan waxaa uu leeyahay awood hoggaamineed oo uu ku aas-aasay isuguna keenay 35 qof oo Kooxda Xiddigaha Geeska ka tirsan Xaruntooduna tahay Hargeysa, dhammaantoodna caan ka noqday geyiga Somalidu degto.
laakiin Somalidu waxay dabagashaa qofkasta oo magac iyo milgo ku leh bulshada dhexdeeda, dadka oo dhana maaha ee dad yar oo maangaab ah ayaa caadaystay inay ceeb iyo cay aanu geyin maalin kasta u quudhaan Abwaanka, laakiin waxaan leeyahay ‘Abwaan waxba ku yeeli maayaan dadkaas iyo beenta ay maalinkasta kaa sheegaan, waxaad tahay hormood ku dayasho leh ee hore u sii soco.’
Waxan ku soo afmeerayaa Tuducyo ka mid ah heestii Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul ee Afkaaga Masuul ka noqo.

Qof ujeedo kaa lihi
Kuu sammee kun iinood
Hadba eray gunaadliyo
Ku raadi eedoo
Sharaftaada iib gee
Qofka belo abaabula
Qof ka aamusaa dilay
Xalku aarsi maahee
Qofka waxa Ayaan daran
Dabagala qod aadmiya

Inkastooy ayaamuhu
Ku baraan ilaaqdiyo
Adyadiyo xadgudubkiyo
Qabka aadmi kugu naco
Aqoontaada oo gudhan
Ku kaba aamusnaanoo
Afkaaga masuul ka noqo
Xalku aarsi maahee
Waxaa ugu Ayaan daran
Ruuxa daba gala qof aadmi

WQ Maxamed Siciid Cabdilaahi
Hargeysa, Somaliland

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com