Argagaxa Qoys Dalxiisayaal Ah Ka Qabsaday Maroodi Doonaya Inuu Ku Xoqdo Gaadhigooda

Had iyo jeer xayawaanadu marka nabar ku dhacay bogsanayo ama jidhkooda meel ka mid ahi cun cunto, waxa meelaha ay gaadhi kari waayaan ee jidhkooda ku xoqdaan, geedaha iyo dhagxaanta, hasa yeeshee waa mid aad u yar in aad aragto xayawaanada naasleyda ah kuwooda ugu waaweyn oo ku xoqanaya gaadhi.

 

Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda Maroodi ku nool seere ku yaala dalka Koonfurta Afrika, ayaa ku kacay talaabo aad uga yaabisay dadkii ku sugnaa seerahaas, ka dib markii uu Maroodigan isku qaaday gaadhi goobtaas dhex taagnaa, kaas oo ay wateen qoys dalxiisayaal ah.

 

Laakiin xaaladoodu mar kaliya isku badashay qaab aan laga filayn, waxaanu Maroodigaasi markii ugu horaysay ka bilaabay xoqashadiisa inuu dhegaha iyo gacankiisa ku xoqdo gaadhiga, hasa yeeshee mar kaliya ayuu intuu labada lugood ee hore sida fardaha uu dusha uga baxay ka dibna uu afarta lugood intuu dhaafsaday uu ku xoqday sakaarkiisa oo sida muuqata nabar bogsanayay kaga yaalay oo uu cun cun ka dareemayay.

Qoyskii dhex fadhiyay gaadhiga ayaa iyagana xaaladu ku adkaatay, sababtoo ah muu ahayn gaadhiga ay wateen, mid qaadi kara culayska wayn ee Maroodigu dusha ka saaray, wallow ay ka caawin lahaayeen inay u xoqaan, haddana maaha miisaankiisu mid ay qaadi karayaan.

In kasta oo aanay qoyskaas soo gaadhin wax dhibaato ahi, haddana waxa si wayn u burburay khafiska sare ee gadhigoodi, waxa kale oo ka jabtay muraayada hore ee gaadhiga, waxaanay xaaladoodu ahayd mid halis ku dhow ka hor intaanay ku guulaysan inay halkaas ka dhaqaaqaan iyaga oo bad qaba iyo maroodigii oo isna aan wax dhibaato ahi soo gaadhin.

Waxa sawiradan ka qaaday sida ay jariiradu sheegtay wiil arday ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika laguna magacaabo, Armand Groblr (21-jir) ah, wiilkan dhalinyarada ah ayaa isagu seerahaas u joogay cilmi korodhsi uu ugu jiro, dabeecadaha iyo hab dhaqanka xayawaanka kala duwan sida ugaadha iyo dugaaga oo uu daraaseeyo.

article-2717919-204CDF9C00000578-613_634x423(2)

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply