Sawiro lamaane aad u Da yar oo arooskoodu ka dhacay Dalka Masar ayaa waxa aad u qaadaa dhigay Dadka u dhashay Dalkaasi.

Arooskan ayaa waxa uu ka dhacay ayaa waxa uu laba maalmood ka hor ka dhacay Tuulada Mansaat Raxmi ee Degnada Fayuum,arooskan ayaa waxa isku guursaday lamaane aad u da yar oo kala ah Ahmed Shacbaan Ciid oo da’diisu tahay 12 jir iyo Gabadh afar sano ka wayn oo 16 jir ah .

Arooska labadani lamaane ee aadka u da’da yar ayaa waxa aad uga soo hor jeedsaday dadka u dhashay Dalkaasi waxa aanay sheegeen in arooskani uu yahay mid khilaafaya qaanuunka guurka ee u yaala Dalkaasi oo u ogolaanaya in ay lamaanuhu is guursan karaan marka ay da’doodu gaadho 18 sano.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA